SKIP TO MAIN CONTENT

Ukraine oo ku gacan sayrtay in dadka rayidka u qaxaan Ruushka iyo Belarus

People protesting in solidarity with Ukraine in Berlin, calling for the end of Russia's invasion
People protesting in solidarity with Ukraine in Berlin, calling for the end of Russia's invasion Source: AAP

1 min read

Published


Skip to article content

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa ku gacan sayrtay qorshe Ruushku ku doonayay in dadka qaxaya loo furo waddo ay ku galaan Ruushka iyo Belarus.

 

 

Milatariga Ruushka ayaa ku dhawaaqay xabad joojin bilaaban lahayd Isniintii shalay ahayd, taas oo wado binaadanimo loogu furi lahaa dadka rayidka ah ee ka qaxaya dhowr magaalo oo Ukraine ku yaal.

 

Laakiin jidkan dadku ku qaxi lahaayeen oo lagu shaaciyay wakaalada wararka Ruushka ayaa soo xigtay wasaarada gaashaandhiga Ruushka ayaa muujinaya in loogu talo galay in dadka rayidka ah u qaxaan Ruushka iyo Belarus.

 

Ms Vereshchuk ayaa sheegay in qorshan uusan meesha ku jirin.

 

"Waa qorshe aan la aqabali karin in waddo binaadanimo la sameeyo oo dadku u qaxi karaan Ruushka iyo Belarus oo kaliya. Shacabkeena ka qaxaya magaalooyinka  Ivankiv, Dymer, Vyshhorod, iyo Kyiv Belarus uma socdaan kadibna uma duulayaan Ruushka... Ukraine waxay codsatay xabad joojin si dadka waddo binaadanimo loo furo gaar ahaa muwaadiniinta jaaniibta ah oo ay ku jiraan in ka badan 2 kun oo arday." ayuu tiri Ms Vereshchuk.

 


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now