Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa ku gacan sayrtay qorshe Ruushku ku doonayay in dadka qaxaya loo furo waddo ay ku galaan Ruushka iyo Belarus.
Milatariga Ruushka ayaa ku dhawaaqay xabad joojin bilaaban lahayd Isniintii shalay ahayd, taas oo wado binaadanimo loogu furi lahaa dadka rayidka ah ee ka qaxaya dhowr magaalo oo Ukraine ku yaal.
Laakiin jidkan dadku ku qaxi lahaayeen oo lagu shaaciyay wakaalada wararka Ruushka ayaa soo xigtay wasaarada gaashaandhiga Ruushka ayaa muujinaya in loogu talo galay in dadka rayidka ah u qaxaan Ruushka iyo Belarus.
Ms Vereshchuk ayaa sheegay in qorshan uusan meesha ku jirin.
"Waa qorshe aan la aqabali karin in waddo binaadanimo la sameeyo oo dadku u qaxi karaan Ruushka iyo Belarus oo kaliya. Shacabkeena ka qaxaya magaalooyinka Ivankiv, Dymer, Vyshhorod, iyo Kyiv Belarus uma socdaan kadibna uma duulayaan Ruushka... Ukraine waxay codsatay xabad joojin si dadka waddo binaadanimo loo furo gaar ahaa muwaadiniinta jaaniibta ah oo ay ku jiraan in ka badan 2 kun oo arday." ayuu tiri Ms Vereshchuk.