Xoghayaha guud ee Qaramada Midowbay Antonio Guterres ayaa goor dhaw ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo markiiba kulan la yeeshay Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Xoghayaha ayaa ka soo duulay magaalada Nairobi, wuxuuna hadda shir la leeyahay Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadlayaan arrimaha Siyaasadda, Amniga & Abaaraha baahsan ee kajira Soomaaliya.
Share
