War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya uu isaga baxo dalka.
Waxaa warkaasi lagu sheegay in Mr Heysom uu dalka isaga baxo oo aanan laga rabin in uu kasii shaqeeyo, bacdamaa uu siyaasada dalka farageliyay sida lagu sheegay warkaasi kasoo baxay wasaarada arrima dibadda ee Soomaaliya.
Arintan ayaa ka danbeeysay kadib markii Xafiiska Nicholas Heysom uu soo saaray war sheegaya in Booliska Koonfur galbeed ay Qaramada Midoowe taageerada ay siin jireen ay jarayaan, isla warkaasna lagu eedeyey dowladda Federaalka Soomaaliya soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow oo la weydiiyey iney faah faahin rasmiya ka bixiso.
Weli wax war ah kama soo bixin Heysom iyo xafiiska QM ee Soomaaliya.