Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

US advice its citizens not to travel to Somalia

State Department spokeswoman Heather Nauert speaks during a briefing at the State Department in Washington.
State Department spokeswoman Heather Nauert speaks during a briefing at the State Department in Washington. Source: AAP

Muwaadiniinta Maraykanka ah waa inay isaga fogaadaan inay booqdaan Soomaliya sababtoo ah danbiyada ay ka mid yihiin afduubka iyo dilalka ayaa wadanka oo dhan ku badan ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Maraykanka oo soo saartay talooyin safar oo ku aaddan Somaliya.

"Ha u safrin Somaliya sababo la xariira danbiyo, argagixiso iyo burcad badeednimo ayaa lagu yiri talada safarka,. Danbiyada sida afduubka iyo dilalka ayaa ku badan Soomaaliya oo dhan oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland. Jidgooyooyinka sharcidarada ah ayaa sidoo kale aad u badan." ayaa lagu qoray digniinta

Wasaarada arimaha dibada ayaa qoraalka ku sheegtay in argagixisadu ay siiwado inay maleegaan afduubyo, qaraxyo iyo weeraro kale oo ay ka fuliyaan Somaliya iyagoo beegsanaya garoomada diyaaradaha, dekadaha, dhismayaasha dawlada, hoteelada, maqaayadaha, xarumaha wax laga gato iyo goobaha kale ee dadka badani isugu yimaadaan oo ay yimaadaan muwaadiniinta reer galbeedku.'

Muwaadiniinta Maraykanka ah oo go'aan ku gaara inay booqdaan Soomaliya waa inay qoraan dardaaran oo ay sii sheegaan cida u haraysa hadday camays ku jiraan, waa inay qabsadaan cid masuul ka ah hantida ay ka tageen ayna kala hadlaan qoyskooda cida xanaanayn lahayd caruurtooda iyo wixii hanti ah oo ay ka tagaan ayaa sidoo kale yiri qoraalka.


2 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now