Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

US hopeful on Afghan war solution

US President Donald Trump.
US President Donald Trump. Source: SBS

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rajo wayn ka qabo in RW Pakistan Imran Khan uu ka caawin karo dhedhexaadin lagusoo afjaro dagaalka ku dhawaad 18 sano ka socday Afghanistan.

Isagoo garab fadhiya RW Imran Khan ka hor kulan ay aqalka cad ku yeesheen ayuu Mr Trump sheegay inuu awood u leeyahay inuu asbuuc ama 10 casho kusoo afjari karo haddii uu sidaas doonayo.

Laakiin wuxuu sheegay in Pakistan ay ka caawin karto in Maraykanku si nabadgalyo ah uga baxo Afghanistan.

 "Halkaas 19 sano ayaan jooganay, askar ma nihin ee waxaan isu badalnay inaan u shaqayno sidii boolis, sidaan hore u sheegayna haddaan sidii askartii u dhaqano 10 maalmood gudohood ayaan kusoo afjari karnaa. Laakiin waxaan doorbidnay inaynaan dilin malaayiin qof. Binaadanimo ma aha, cadaaladna ma aha marka waxaan isleeyahay Pakistan taageero wayn ayay ka gaysan kartaa xal u helida," Ayuu yir madaxweyne Trump.

 RW Pakistan Imran Khan ayaa sheegay inuu rajo ka qabo nabad la dhexdhigo Taliban ka iyo dawlada Afhanistan.

 "Hal xal ayaa jira, sidaan aaminsanahay, waana ka wadahadlaynaa, waxaana rajaynayaa in maalmaha soosocda inaan ku boorino Taliban inay la hadlaan dawlada Afghanistan oo xal siyaasadeed la keeno." ayuu yiri RW Khan

Sanadkii lasoo dhaafayna fariin uu bartiisa Twitterka dhigay ayuu madaxweyneTrump ku dooday in Pakistan aysan waxba siin Maraykanka oo aan ka ahayn been iyo qayaano iyo inay gabaad siiyaan mintidiinta.

Laakiin ka hor kulanka uu la yeeshay RW Imran Khan ayuu Madaxweyne Trump ka hadlay inay suurogal tahay in dib loogu furo gargaar qiimihiisu gaarayo 1.3 bilyan oo doolar oo sanadkii lasoo dhaafay laga jaray Pakistan isagoo sidoo kale madaxweynuhu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo muranka Pakistan iyo India oo isku haya gobolka Kashmir.


2 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now