Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in la wiiqo xiriirka Marayaknaku la leeyahay Sacuudiga ay noqonaysa qalad laga galay amniga qaranka marayakankan.
Mr Pompeo iyo xoghayaha gaashaandhiga James Mattis ayaa aqalka Senaka warbixin ka siiyay Sacuudi Carabi iyo dilkii 2 bishii Oct ee Jamal Khashoggi ee ka dhacay qunsuliyada Sacuudigu ku leeyahay Istanbul.
Mr Pompeo ayaa sheegay in Sacuudigu yahay saaxiib aad u muhiim ah oo aan la lumin karin isagoo xusay sida Sacuudigu uga caawiyo sidii looga xakamayn lahaa Iran gobolka, dimoqraadiyaynta Ciraaq iyo la dagaalanka kooxaha cubaysan ee gobolka ku sugan.
Xoghayaha ayaa dafiray in xiriir ka dhexeeyo dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo dilkii Mr Khashoggi.
[["Waxaan qabaa anoo aqriyay dhamaan macluumaadka sirdoonada haddii aysan kuwo cusub soo bixin dhowrkii saacadood ee u danbeeyay, waan aqriyay dhamaan.. Ma jiraan war cad oo sheegaya in dhaxal suguhu bixiyay marakii lagu dilay Jamal Khashoggi.. Intaas oo kaliya ayaan idiin sheegi karaa.""]]