Booliska ayaa qabtay waxyaalo looga shakiyay inay yihiin walxaha qarxa oo loo diray madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama iyo xoghayihii hore ee arimha dibada Hillary Clinton.
Ciidanka gaarkaa ee ilaaliya madaxda ee loo yaqaan secret service ayaa sheegay in waraaqahan la helay mar baaritaano caadiya lagu samayanya waraaqaha laysu diro.
Booliska ayaa sidoo kale qabtay walxo looga shakiyay inay yihiin kuwa qarxa iyo boqshad ay ku jirtay budo cad oo loo diray warbaahinta CNN xaruntooda New York.
Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa canbaareeyay falkan.
(("Waxa aan maanta aragnay wuxuu ahaa dadaal wax lagu aragagixinayo. Waxaa cad inay tahay fal argagixio oo laysku dayayo in lagu wiiqo saxaafada xortaa iyo hogaamiyayaasha dalkeena iyadoo fal waxlagu yeelayo loogu hanjabayo. Waxaan doonayaa inaan cadeeyo in shacabka New York aan la handadi karin, howl maalmeedkayagana aan wadanayno ee aan cidna loo joojinayna.'))
Ms Clinton ayaa sheegtay inuu waqti dhibadan u yahay iyada iyo saygeeda madaxweynihii hore Bill Clinton.
(("Waan fiicanahay, waxaa mahad u celinaynaa raga iyo haweenka ciidanka ilaalada madaxda oo qabtay waraaqaha nalasoo diray ka hor inta aysan nasoo gaarin,, maalinwalbana waan uga mahadcelinaan howsha fiican ee ay hayaan ciidanka ilaaladu."))