Premier-ka gobolka Victoria Daniel Andrews ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo looga jawaabayo xanuunka coronavirus ee dalka ka dilaacay.
Xaalada degdegaa ayaa dhaqan galaysa maanta oo Isniin ah 16 Maarso 12 duhurnimo waxayna soconaysaa mudo 4 asbuuc ah iyadoo ay u badan in waqti kale lagusii daro.
Talaabadan ayaa waxay sharci daro ka dhigaysaa in qofkii dalka dibadiisa kasoo galo uusan karantiil galin mudo 14 maalmood ah. Waxaa sidoo kale la mamnuucay inay isu yimaadan dad ka badan 500 qof.
Mr Andrews ayaa sheegay in sharuucdan looga danleeyahay in looga hortago in cisbitaalada ay buuxdhaafiyaan dad xanuunsan.
"Xanibaado badan ayay sharuucdan keenayaan, dhibaatooyin badan ayaa ka dhalanaya amaradan, kulamo badan ayaa la kansalayaa. Hase yeeshee marka la hadlayo kulamada cayaaraha, kuwa dhaqanka, bandhigyada horaan u aragnay qaar badan oo la kansalay sababtoo ah dadku waxay u arkaan mid sax ah iyadoo cagli la isticmaalayo," ayuu yiri Mr Andrews.
Waxaan mamnuucida ku jirin gaadiidka dadweynaha, suuqyada cuntada, goobaha shaqada, Iskuulada, TAFE iyo jaamacadaha.
Dawlada A-C-T ayaa iyana u diyaargaroobaysa inay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad oo degdeg ah oo looga jawaabayo xanuunka COVID-19.
Iyadoo alaabada dukaamada qaarkood la dhamaysto ayay dukaamada waaweyn sida Woolworth go'aansadeen in saacado u gaar ah ay dukaanka ka adeegtaan dadka duqayda ah iyo naafada ah.
Maxaa tahay xaalada degdegaa?
- Awood lagu xiro qof ama koox si loo joojiyo ama loo yareeyo qatar caafimaadka dadweyne.
- Awood lagu xakamayn karo dhaqdhaqaaqa dadka goob xaalad degedeg ah lagusoo rogay.
- Awood dadka loogu diidi karo inay galaan goobaha qaar.
- Awood lasiiyo askartu inay amaro bixinkaraan haddii loo arko in lagu badbaadinayo caafimaadka dadweynaha.
Dawlada NSW ayaa haysa ku dhawaad 200 oo kays oo COVID-19 ah iyadoo dawladu sii wado dagaalka ay kula jirto waxa ay ugu yeertay dagaal ka dhan ah caabuqa.
Xalay ayaa 37 kays oo cusub oo coronavirus ah la xaqiijiyay taasoo tirada guud ka dhigaysa inka badan 200 oo qof, NSW ayaa ah gobolka tirada ugu badan ee xanuunku ku dhacay Australia.
Wasiirka caafimaadka NSW Brad Hazzard ayaa ku booriyay dadweynaha inay feejignaan muujiyaan isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo la dagaalanka cudurka.