Vladimir Putin oo mar kale madaxweyne ka noqday Russia.

Vladimir Putin oo ku guulaystay doorashooyinkii madaxtinimada ee Russia.

Russian president Vladimir Putin at a rally in Moscow

President Vladimir Putin Source: AAP

Madaxweynaha Russia Vladimir Putin, ayaa markii afraad ku guulaystay madaxtinimada wadanka, isagoo ku guulaystay wax ka badan 74% caodayntii la tiriyay.

Mr Putin, qofka oogu soo dhawaa dhanka codadka doorasha, ayaa noqday ninka u sharaxan Xisbiga Hantiwadaaga Pavel Grudinin, isagoo helay waxa ka badan 13% cod.

Putin, ayaa guushiisa ka dib isagoo la hadlayay taageerayaashiisha sheegay, in guushiisa madaxweynanimada  ay tahay biloowga guulaysiga shacabka Russia.

Mr Vladimir Putin, oo wadanka Russia kasoo talinayay mudo gaadhaysa 20 sano, ayaa doorashadan la tartamay  7 murashaxiin, balse ninkii oogu daleecaynta badnaa Putin, oo ahaa  Alexei Navalny  ayaan loo diiday in uu doorashooyinka ka qayb galo, sababa la xidhiidha  dhanka sharciga.

Doorashooyinkan ayaa sida ay kusoo waramayaa kormeerayaal madax banaan, ayaa la sheegay in ayna ka madhnayn khaladaad dhanka cod bixinta ah, iyadoo lasoo sheegay in ay jirto dad laga hor istaagay in ay codeeyaan, sidoo kalena la sheegay jiritaanka dad iyagu codeeyay in ka badan  hal mar.


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand