Waalidiinta qariya inay xaas yihiin oo gacan bir ah lagu qabanayo

Single parent welfare crackdown: Offenders face year in jail

 centrelink

Source: AAP Image/Julian Smith

Waalidiinta sheegata inay kaligood yihiin iyagoo lamaane ah oo gacan bir ah lagu qabanayo: Cidii lagu helo oo xabsi mutaysandoona.

Kumanaan lamaane oo sheegta inay kaligood yihiin si ay lacag dheeraad ah u qaataan ayaa la waydiindoonaa inay cadeeyaan inaysan lamaane ahayn oo ay xaaska ama saygii si run ah u kala tageen.

Waalidka kaligood ah { Single Parents} ayaa la waydiindoonaa inay marqaati la yimaadaan cadaynaya inaysan xaas ahayn.


Barnaamujkan ayaa qayb ka ah miisaaniyadii dawlada waxaana looga dan leeyahay in lagusoo qabto dadka si qayaanadaa u codsada lacago aysan xaq u lahayn iyagoo sheeganaya inaysan xaas ahayn waxaana lagu xiridoonaa sharuudo dadka doonayaa inay dalbadaan lacagaha la siiyo waalidiinta kaligood caruurta haysta oo aan lamaane ahayn.

laga bilaabo September sanadka soosocda, waalidiinta ku doodayay inay kaligood yihiin ayaa la waydiinayaa inay cadeeyaan in xiriirka qofkii ay nolosha wadaagayeen inuu dhamaaday.

Wasaarada adeega bulshada oo hayada Centrelink hoostimaado ayaa sheegtay inay qiyaasayso in ku dhawaad 15 kun oo qof oo wali jacayl ka dhexeeyo oo wada degan inay si qalad ah cayr u qaataan.

Qofkii marqaati been ah ku fura in labada qof xiriiirkoodu dhamaaday ayaa mutaysan kara xabsi hal sano ah.

Waalidka kaliga ah ayaa qaata 264.50 oo dheeraad ah labadiii asbuucba marka loo barbar dhigo waalidka labada ah oo wada degan taasoo u dhiganta 6800 oo doolar sanadkii.

Haweeney ayaa labo sano la xiray kadib markii ay si sharcidaro ah ku qaadatay 90 kun mudo 7 sano ah.. Haweentan ayaa iyadoo maxkada ku sugan waxaa lasoo bandhigay inay si iskadabajoog ah foomaam been ah buuxisay iyadoo qarinaysay inay la noolayd nin ay markii danbe isguursadeen.

Haweenay kale oo sheegatay inay hooyo kaligeed caruur korisa tahay ayaa 18 bilood la xiray kadib markii ay qiratay inay 60 kun ku qaadatay markay sheegatay inay kaligeed tahay mudo 8 sano ah.




Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand