Premierkii gobolka Victoria, Jacinta Allan, ayaa iska casishay xilkii ay haysay, iyadoo sheegtay in go'aankaas ay qaadatay yahay mid ku habboon shacabka Victoria.
Is-casilaaddeeda ayay ku dhawaaqday qiyaastii soddon daqiiqo ka hor kulan ay xildhibaannada Xisbiga Labor-ku yeelan lahaayeen, oo la filayay in hoggaankeeda lagu loollami doono
Cadaadis lagu doonayay in hoggaanka lagaga tuuro ayaa sii xoogsadey dhammaadkii toddobaadka, kaddib markii hoggaamiyeyaasha garabyada kala duwan ee xisbigu ay kulmeen, isla markaana ay ku heshiiyeen in aanay Jacinta Allan haysannin taageerada buuxda ee xildhibaannada Labor-ka.
Jacinta Allan ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga fiirsatay dhammaan fursadaha u furnaa.
Waxaan aaminsanahay in go’aanka aan qaatay yahay mid sax ah oo u wanaagsan Xisbiga Labor-ka iyo shacabka Victoria. Waxaan diyaar u ahaa inaan waxqabadkaygii iyo qorshahayga aayaha soo ban-dhigo oo xubnuhu u codeeyaan, sida xeerarka xisbigeennu oggol yihiin. Waxaanan rumaysanahay inaan ku guulaysan lahaa. Laakiin in cod loo galo arrintan xilli doorashadu soo dhowdahay faa’iido ma keenteen, kan ugu muhiimsanna waa waqtiga. Waxaa taas ka sii muhiimsan, waxay gobolka gelin lahayd xaalad hubanti la'aan ah. - ayay tiri
Illaa lix wasiir oo ka kala socda kooxo-doceedyada xisbiga labor-ka ayaa horey ugu sheegay Premier-ka inay lumisay badanka taageeradii xubnaha xisibiga, iyadoo uu isla markaa ku-xigeenkeedii Ben Carrol, uu gacanta u taagtey u-loollanka hoggaanka.
