Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay wasiir ka tirsan dawladiisa oo aan magiciisa la shaacin oo lagu eedeeyay kufsi waqti hore dhacay uu dafiray eedaas.
Sahra Hanson Young oo ka tirsan xisbiga Greenka, Penny Wong oo Laborka ka tirsan iyo Scott Morrison ayaa loo diray warqad lagu faahfaahinayo eedaas asbuucii la soo dhaafaty.
Haweenta ka danbaysa eedan ayaa booliska NSW u sheegtay dacwadan sanadkii la soo dhaafay, laakiin baaritaanka ayaa la hakiyay markii haweentaas ay is-dishay waxyar kadib markii ay booliska u sheegtay inaysan doonayn in la sii wado dacwada.
Michael Bradley oo ka tirsan shirkada qareemada Marque Lawyers ayaa matalay haweenta ka hor inta aysan is dilin, wuxuuna sheegay in wasiirka la eedaynayo uu xaq u leeyahay in loo aamino inuusan wax danbi ah galin ilaa lagu helayo.
Laakiin isagoo lagu soo eedeeyay danbi wayn uusan sii ahaan karin wasiir ilaa si buuxda arintan loo baarayo.
Kooxaha qaxootiga u dooda ayaa sheegay in dhowr iyo labaatan qaxooti ah oo lagu hayay hoteel ku yaal Brisbane mudo sanad ah hadda bulshada lagu dhex sii daynayo.
ururka Refugee Action Coalition ayaa sheegtay in 23 qof oo lahayay Hoteelka Kangaroo Point la siiyay fiiso ku meel gaar ah.
Tan ayaa imanaysa kadib markii qaxooti kale oo Australia lagu soo galiyay sharcigii daad guraynta caafimaad ee mardanbe la tuuray iyagana laga sii daayay goobo lagu hayay oo ku yaal Melbourne.
Afhayeenka Refugee Action CoalitionI an Rintoul ayaa sheegay in 25 qaxooti ah lagu siidaayay Brisbane, walina ay jiraan 70 kale oo ku xiran dalka oo dhan.
Quburada caafimaadka yaa aaminsan yoolkii talaalka ee dawlada federalku qasbatay ay adag tahay in la gaaro haddii aan aad kor loo qaadin tirada dadka la talaalayo.
Dawlada ayaa hore u sheegay in bisha October ay doonayso in shacabka oo dhan ay ugu yaraan hal talaal lagu duro.
Omar Khorshid oo ka tirsan Ururka Dhaqaatiirta Australia ayaa Janaal Nine u sheegay in dhamaadka sanadka uu noqon karo yool macquul ah.
Wasaaradah arimaha dibada Australia ayaa canbaaraysay dhimashada 18 dad ku dibad baxayay dalka Myanmar.
Milatariga ayaa xabado ku furay dibad baxayaal aam hubaysnayn, taasoo noqotay dibad baxyada looga soo hor jeedo cinqilaabka ee ugu dhimashada badnaa.
Qoraal ka soo baxay wasaarada ayaa lagu canbaareeyay xooga loo isticmaalay dadka iyadoo la yiri 'ma ah wax la qabali karo, walaac wayn ayaana ka qabaa dhiiga daatay."