Premierka Western Australia Mark McGowan ayaa ku dhawaaqay in goboliisu u furayo xadka shacabka reer NSW iyo kuwa Victoria barito oo bisha Desember tahay 8 sidii horeba qorshuhu ahaahas.
Go’aankan ayaa u ogolaanaya dadka ka soo safraya NSW ee soo galaya WA aysan u baahanayn inay is karantiilaan. Qorshahan ayaa shaki galay kadib markii qof ka shaqaynayay nidaamka karantiilka hoteelada Sydney laga helay Covid-19 asbuucii la soo dhaafay.
Hadase ma jiraan kaysas kale oo lala xariirinayo haweentaas xanuunka laga helay.
Mr McGowan ayaa sheegay inay taasi keentay in loo arkoo in dadka ka soo safraya NSW ee soo galaya WA aysan qatar ku ahayn WA.
Dhanka kalana dadka ka soo safraya South Australia ayaa loo ogolaanayaa inay galaan WA iyagoo aan u baahnayn inay iskarantiilaan laga bilaabo 11 bishan.
Victoria waxaa mar kale ka bilowday nidaamka karantiilka hoteelka yahoo garoonka diyaaradaha Melbourne ay markii ugu horaysay mudo 5 bilood ah ka soo dageen diyaarado caalamiya.
Sideed diyaaradood oo ay saarnaayeen 235 rakaab ah ayaa maanta oo Isniin ah ka soo degay garoonla diyaarada Melbourne. Duulimaadyadaas oo ka kala yimid Colombo, Doha, Hong Kong, Manilla, Singapore, iyo Tokyo.
Victoria ayaysan ka soo degin diyaarado calami ah wixii ka danbeeyay dhamaadkii June, maraas oo ay shaqaalahii ka shaqaynayay hoteelada dadka lagu karantiilayay laga helay xanuunka taasoo sabab u ahay in mawjadii labaad ee Coronavirus ka dilaaco gobolka.
Wasiirada booliska Victoria Lisa Neville oo barnaamujkan maamulaysa ayaa sheegtay in hadda Victoria ay leedahay nidaamka ugu fiican dalka oo dhan.
Xisbiga Laborka ayaa sheegay in dawlada federalku ku guul daraysatay inay shacabka dibada ku xaniban dalka ku soo celiso maadaama ay abuuri wayday xarun qaran oo dadka lagu karantiilo oo dadka soo noqonaya lagu xareeyo.
Qorshaha xarun dadka lagu karantiilo ayaa waxaa ku taliyay Jane Halton oo dibu eegid ku sameeyay nidaamka karantiilka dalka oo dhan.
Services Australia ayaa wacaysay shacabka Australianka ah ee dalka dibadiisa ku xaniban yahoo hay’adan ay matalayso wasaarada arimaha dibada waxayna waydiinaysay dadkaasi inay doonayaan inay dalka ku soo noqdaan laakiin dad hortagay dhagaysi lagu qabtay aqalka Senatka ayaa sheegay inay dareemeen in wicitaanka la soo wacay uu ahaa isku day lagu doonayay in lagu cadaadiyo inay magacooda ka saaraan liiska dadka doonaya inay soo noqdaan.
Afhayeenada Laborka u qaabilsan arimaha gudaha Kristina Keneally ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Scott Morrison looga baahan yahay inuu fuliyo balantii uu qaaday oo ahayd inuu shacabkaas guryohooda ku soo celinayo ka hor Ciidda Kirimaska.
Tirada dadka dibadda ku xaniban ayaa hadda korortay oo gaartay 36,875 yahoo labadii bilood ee u danbeeyay ay 10 kun ku korortay.
Dawlada federalka ayaa la sheegay in dardar galinayso qorshe ay ku doonayso inay si joogto ah u maamusho sida ay lacagtooda u qarash gareeyaan qaar ka mid ah dadka cayrta qaata.
Dawlada ayaa ku bixisay 80 milyan oo doolar hirgalinta kaar bangi oo aan lacag cadaan ah lagala bixi Karin. Kaarkan ayaa lagu tijaabiyay dhowr goobood oo dalka ka tirsan. Nidaamkan ayaa 80% lacagta cayrta ee qofku qaato lagu ridayaa kaar uusan lacag cadaan ah kala bixi Karin sidoo kalana uusan ku gadan Karin qamri, waxyaalaha lagu qamaaro.
Goobihii lagu tijaabiyay ayaa waxaa ka mid ah qaybo ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee gobolada SA, WA, QNL iyadoo gaar ahaan si gaar ah loola beegsanayay bulshooyinka dadka dalka loogu yimid iyadoo la sheegay in ujeedadu tahay sidii loo yaran lahaa six un u isticmaalka qamriga iyo maandooriyaha.
Hindise ay dawladu wado ayaa barnaamujkan lagu joogtaynayaa iyadooo awal uu ku ekaa 31 bishan Desember waxaa sidoo kale kaarkan laga bilaabayaa Northern Territory.
Xildhibaanad Lisa Chesters oo ka tirsan xisbiga Laborka ayaa ku boorinaysa dawlada inay joojiso barnaamujkan.