Warar SBS Somali Isniin 08 Febaraayo

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Wasiirka Caafimaadk Australia Greg Hunt ayaan wax wayn ka soo qaadin walaac laga muujiyay waxtarnimada talaalka coronavirus ee ay samaysay shirkada AstraZeneca.

South Africa ayaa hakisay qaybinta talaalka AstraZeneca kadib markii macluumaad la aruuriyay lagu ogaaday inuusan wax wayn ka tarin caabuq aan sidaas u waynayn.

Dawlada South Africa ayaa hadda talooyin ka sugaysa sayntiistayaasha waxay samayn lahaayeen halka wasiir Hunt uu sheegay inuu wali kalsooni ku qabo talaalka isagoo eegayaa macluumaadka uu ka helayo UK.

AstraZeneca ayaa la shaqaynaysa Jaamacada Oxford ayaa isku dayaya in talaalka ay ka dhigaan mid wax ka qaban kara nooca coronavirus ee laga helay South Africa.

Hogaamiyaha mucaaradka ah Anthony Albanese ayaa sheegay in isagu aaminayo talada ay bixiyaan Ha’adda Maamusha Daawooyinkaha ee loo soo gaabiyo TGA.

 "Waligay hal wax ayaan aaminsanaa oo ah inaynaan doonayn in siyaasiyiintu ay sii saadaaliyaan go’aamada quburada caafimaadka iyo kuwa sayniska.”


 

 Wasiirada Booliska Victoriana waxay sheegtay in maamulayaasha gobolku aysan aaminsanayn in cidi jabisay sharuucdii karantiilka hoteelka kadib markii COVID-19 laga helay qof lala xariirinayo nidaamka karantiilka gobolka.

 Mid ka mid ah shaqaalaha dawlada ee hubiya in amarada loo hogaamsamo ayaa laga helay xanuunka kadib marka ay ka shaqaysay hoteelka Melbourne Airport's Holiday Inn inkastoo asbuucii la soo dhaafay laga waayay cudurka.

 Maalintii Axada ayaa laga helay xanuunka laakiin waxay booqatay dukaan doolshaha lagu gado id qamriga lagu iibiyo oo ku yaala galbeedka Melbourne. Goobahaas oo hadda loo aqoonsaday inay yihiin goobo xanuunku ay dhici karto inuu ku fiday.

 Wasiirad Lisa Neville ayaa sheegtay in 80 ka mid ah shaqaalaha hoteelka, sagaal ka tirsan booliska iyo 12 ka tirsan ciidanka xooga inay is-karantiileen xanuunkana laga baarayo.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand