Warar SBS Somali Isniin 08 Maarso

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Wasiirro ka tirsan dawlada federalka ayaa diiday baaqyo lagu dalbanay in Wasiirada Gaashaandhiga Linda Reynolds ay is casisho sababo la xariira sida ay u maaraysa eedaha kufsiga.

Wasiiradda ayaa cadaadis uga imayay sida ay u maarayay dacwadii ay soo gudbisay Brittany Higgins oo u shaqayn jirtay xisbiga Liberalka oo sheegtay inay nin la shaqayn jiray uu ku kufsaday xafiiska wasiiradda 2019.

Senatorad Reynolds ayaa sii dheeraysay fasax caafimaad oo ay hore u qaadatay ilaa 2 bisha Abriil, taas oo macneheedu yahay inaysan ka qayb qaadan karin kala fadhiga baarlamaanka ee soo socda iyo dhagaysiyada aqalka Senatka.

Laborka ayaa ku baaqaya inay is casisho iyadoo intaa uu ku daray inaysan sii hayn karin xilkaasi.

Laakiin siiyaha wasiirka gaashaandhiga Marise Payne ayaa sheegtay in Senatorad Reynolds la daayo si ay diirada u saarto siday u soo bugsan lahayd.

Waxaa lagu dhawaaqayn dibu eegid lagu samaynayo sida loo maareeyo cabashooyinka la xariira falgaboodyada iyo kufsiga ka dhaca baarlamaanka gudihiisa.

 Waxaa la filayaa in natiijada dib u eegidan ay noqoto in lagu tiliyo aasaaska hayad maaraysa dacwooyinkaas.

Dhanka kalana Taliya Booliska NSW ayaa sheegay in dacwada kufsiga waa hore dhacay oo ka dhanka ah xeer ilaaliyaha guud  Christian Porter aan maxkmad la gayn karin hadda xataa haddii ay wali nooshahay haweentii dhibanaha ahayd.

Booliska New South Wales ayaa kayskan xiray iyadoo uu sheegay inaysan cadaymo ku filan oo lagu sii wadi karo.

Mr Porter ayaa dafiray in waxa lagu eedeeyay ay dhaceen.

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand