Warar SBS Somali Isniin 12 October

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Premierka gobolka Victoria Daniel Andrews ayaa ku adkaysanaya in dawladiisu wali diirada ku hayso siday ula dagaalami lahayd coronavirus inkastoo madaxii wasaarada premierka iyo golaha wasiirada lagu qasbay inuu iscasilo.

Chris Eccles ayaa ahaa xoghayaha wasaarada premierka iyo golaha wasiirada. 

 Wuxuu iscasilay kadib markuu qirtay inuu been u sheegay gudiga baaraya barnaamujkii karantiilka hoteelada oo dhibaatadu ka dhalatay.

Wuxuu u sheegay gudiga inuusan ka la hadlin taliyihii booliska Victoria markaas ahaa Graham Ashton nidaamka karantiilka hoteelka.

 Laakiin telefoonkiisa ayaa laga ogaaday inuu la hadlay Mr Ashton 27 Maarso, maalintaas oo ahayd maalintii barnaamujkaas la aasaasay.

Mr Andrews ayaa sheegay inuusan hore ula socon arintan wixii ka horeeyay xalay oo Axad ahayd.

 Wuxuu Premierku sheegay in dawladiisu sii wadayso howsha ay gobolka u hayso.

"Ma aha inay qof reer Victoria ah shaki ka galo in aniga iyo wasiiradayda dhamaan aan diirada saarayno waxqabadkiina, oo aan idiin raadinayno xoriyada aad rabtaan oo aad xaqa u leedihiin, anagoo kaysaska coronavirus yaraynayna, si aan u qaadano talaabooyin amaan ah oo aan ku qaadayno xanibaadaha, taas ayaana ah taan isha ku hayno ee wax kale iskuma mashquulin."

Premierada Gobolka New South Wales Gladys Berejiklian ayaa lagu qasbay inay sheegto inay xiriir hoose la lahayd xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka NSW Daryl Maguire- laakiin waxay dafirtay inay indhaha ka qarsatay habdhaqan xun oo uu ku kacay.

Gudiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqa NSW oo loo soo gaabiyo ICAC ayaa ku eedeeyay Mr Maguire inuu si qalad ah u isticmaalay xafiiskiisa baarlamaanka iyo qalabka yaala inuu si shaqsiyan uga faa'iido ama shirkad isagu maamulo uga faa'iideeyo.

Iyadoo hor timid gudiga ICAC ayay  Ms Berejiklian sheegtay inay u haysatay in Mr Maguire uu sidii sharcigu ahaa u cadeeyay danaha gaarka ah oo ay tahay in baarlamaaku ogaado, aysana wax wayn ka soo qaadin markuu iyada kala hadlay.

Waxay gudiga u sheegtay inay waligeed danaha guud ka hormarin jirtay nolosheeda gaarka ah. 

"Waligay abid indhaha kama qarsan masuuliyadayda ah inaan qabto wixii qalad ah oo aan arko ama wax aan is iraahdo ma waafaqsana shaqada baarlamaanka. Waxaan rabaa inaan cadeeyo in markasta waxa ugu horeeya oo aan maskaxda ku hayo ay tahay masuuliyada aan u qaaday shacabka gobolkan."

 

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand