Warar SBS Somali Isniin 21 June

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Wararka waxaa ka mid ah:

Barnaby Joyce oo mar kale noqday hogaamiyaha xisbiga National-ka iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeen.

Shir degdeg ah oo u qabtay Golaha Qaranku oo loogu sheegay shacabka inaysan joojin qaadashada talaalka AstraZeneca. 

Barnaby Joyce ayaa dib loogu doortay hogaanka xisbiga National-ka sidaasna ku noqday ku xigeenka RW ha.

Tan ayaa imanaysa kadib markii uu Matt Canavan oo ah senator laga soo doorto Queensland uu soo bandhigay in lagu tartamo hogaanka.

Mr Joyce ayaa sheegay inuu u qashuucay in mar kale loo doorto hogaanka xisbiga isagoo uga mahad celiyay hogaamiyaha uu xilka ka qaaday Michael McCormack shaqadii uu soo qabtay.

Mr Joyce ayaa sheegay in waqtigii uu xilkan ka maqnaa uu wax badan bartay qof ahaana uu yahay mid kii hore la fiican.

 "Sadex sano ayaan xildhibaan kuraasta danbe ee baarlamaanka fadhiya ahaa. Lama dafiri kara inaan helay waqti aan anagu dib isugu laabto sidoo kalana aan ka fakaro saamaynta ficilkagu ku yeelan karo dadka kale. Waana ka fakaray arimahaas oo dhan, qaladaadkiina waxbaan ka bartay."

Dhanka kalana Mr McCormack oo xilka ka degayaa ayaa wanaag u rajeeyay Mr Joyce isagoo intaa ku daray inuu ka mid yahay siyaasiyiin yar oo aan arimaha gudaha ee xisbiga aan la wadaagin warbaahinta.


Madaxa caafimadka Paul Kelly ayaa sheegay in dhibka ka dhalan kara talaalka AstraZeneca ay aad u yar tahay. Hadalkan ayuu jeediyay kadib shir ay ka yeesheen Golaha Qaranku qaybinta talaalka.

Kulanka Golaha Qaranka ayaa la qabtay kadib go'aankii lagu gaaray in AstraZeneca la siin karo oo kaliya dadka da'doodu ka wayn tahay 60 sano kadib dhiig xinjirow laga helay dad.

Professor Kelly ayaa sheegay in dadka ka wayn 60 sano aysan ka daahin talaalka sidoo kalana uusan doonayn in dadku qaataan labo talaal oo kala duwan.

"Faa'iidada ayaa ka badan wixii qatar ah ee ka iman kara talaalka. Haddii aad markii koowaad qaadatay AstraZeneca, da'daa doontaba jire, ha kansalin balintii aad tan labaad ku qaadan lahayd. Iskuma darayno labada talaal oo haddii aad mid hore u qaadatay mid nooc kale ah ma qaadanaysid."

** Ilaa iyo hadda labo qof ayaa u dhintay xinjirow iyadoo 3.8 milyan oo qof Australia oo dhan.


NSW waxaa laga helay labo kays oo COVID-19. Labadan qof ayaa ah kuwo hore u karantiilnaa.

Madaxa caafimaadka gobolka Dr Kerry Chant ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dadku raacaan talooyinka caafimaad. Kaysaska ka bilowday Bondi ayaa hadda gaaray 11 iyadoo dadka lagu qasbay inay xirtaan afdaboolka(maska).

Victoria ayaa iyana laga helay hal kays oo COVID-19 oo gobolka gudihiis lagu kala qaaday iyo 8 kale oo ah dadka hoteelo ku karantiilan laga helay xanuunka..


 Wararka dibadan, qoyska 82 jir haysta dhalashooyinka Australia iyo Iran oo lagu xiray Tehran ayaa ka codsanaya dawlada federalka inay kayska ninkan dabagasho si loo sii daayo.

Shokrollah Jebeli ayaa xirnaa 17 bilood markii lagu eedeeyay danbiyo la xariira muran lacageed oo kala dhexeeyay qof ay qoyskiisu ku sheegeen inuu Iran ka yahay sarkaal sirdoon ah.

Amnesty International Australia ayaa sheegtay in xaqiiqda ah inaan ninkan lagu soo eedayn danbiyo la xariira amniga qaranka ay siinayso rajo ah in lagu guulaysan karo in la siidaayo. 


Koox xildhibaano ka tirsan isbahaysiga oo uu ku jiro Senator Eric Abetz ayaa qaatay aragti ka duwan dawlada iyagoo dalbaday in si degdeg ah talaabo looga qaado dekad muhiim ah oo ay kiraysatay shirkad China laga leeyahay.

Dekadda Newcastle ayaa kala bar waxaa iska leh Merchants Port Holdings oo China laga leeyahay iyadoo xildhibaanadu ay ka cabsi qabaan in shirkadan ay awoodeeda u isticmaasho inay ka faa'iidaysato dhoofinta dhuxul dhagaxda.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand