Warar SBS Somali Isniin 26 Abriil

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Ururka dhaqaatiirka Australia ayaa ku dhaliilay dawladaha federalka iyo kuwa gobolada inay ku adkaysanayaan in nidaamka karantiilka hoteelku sii jiro.

 Ururkan oo loo soo gaabiyo AMA ayaa arinta karantiilka walaac ka muujiyay iyagoo sheegay in dad aan coronavirus qabin ay dalka soo galaab kadibna ay cudurka ka qaadaan hoteelada lagu hayo.

Madaxa AMA, Dr Omar Khorshid ayaa janaal Nine u sheegay in loo baahan yahay in nidaamka karantiilka la hagaajiyo.

"Shaki kuma jiro in hoteelada aan loogu talo galin in dad lagu karantiilo. Kuma haboona marka la eego in qolalka hawada at isu gudbin karaan," ayu yiri Dr Khorshid.


 

Premierka Western Australian Mark McGowan ayaa doonaya in dawlada federalku furaan xeryo iyo Chrismas Island si dadka dibada ka imanaya loogu karantiilo, isagoo intaa ku daray in hoteeladu aysan qaadi karin.

Premier Mark McGowan ayaa sidoo kale sheegay inuu sii dheeraynayo xanibaadaha COVID-19 oo hore sadex maalmood oo kaliya lagu waday inay socdaan.

Caasimada WA iyo gobolka dariska la ah ee Peel ayaa lagu waday inay ka baxaan 3 maalmood ee bandow ah marka la gaaro habeen barkii caawa oo Isniin ah laakiin Mr McGowan ayaa rajada laga qaabo qaadiida bandowga hoos u dhigay.


 

Victorian dad ka badan 100 oo ahaa rakaab la socday diyaarad ay lahayd shirkada Qantas ayaa wali sugaya baaritaanka coronavirus kadib markay Melbourne ku yimaadeen diyaarad uu saarnaa qof COVID-19 qaba 5 maalmood ka hor.

Nin 45 jir ah oo caabuqa qaba ayaa la socday diyaarada Q-F-7-7-8 oo Perth ka soo duushay Arbacadii.

241 rakaab ee diyaarada la socday, 135 ka mid ah ayaa markii la baaray laga waayay caabuqa, laakiin dad ka badan 100 ayaa wali sugaya natiijada.

Afartii qof ee qoyska ninkan ayaa laga waayay cudurka. Dhanka kalana Victoria ayaan laga helin kays coronavirus ah maanta.


 

Maamulayaasha Hindiya ayaa sii dheereeyay waqtiga bandowga caasimada New Delhi iyadoo lagu daray tobaad kale kadib tirada caabuqa qaba oo aad u kordhay.

Afar maalmood oo isku xiga ayay Hindiya jabisay tiradii ugu badnayd ee kaysaska coronavirus oo hal maalin laga diiwaan galiyo iyadoo ay sabab u tahay dalka oo uu soo galay nooc cusub oo COVID-19 ee aad ka u faafa.

Dalalka Britain iyo Maraykanka ayaa qalab caafimaad u diraya Hindiya iyadoo ay ku yaraadeen mashiinada dadku ku neefsadaan.

India ayaa ilaa iyo hadda diiwaan galisay 16.9 million kays taasoo ah tan labaad ee ugu badan oo uu ka horeeyo kaliya Maraykanku.


 

Jaaliyada Armenianta ee dalka Maraykanka ayaa soo dhaweeyay Madaxweyne Biden oo si rasmi ah ugu aqoonsaday Armeninatii ay laayeen Cusmaaniyiintii Turkiga 1915 xasuuq.

Biden ayaa maalintii Sabtida ka dhabeeyay balan uu qaaday intuu ku jiray ololihii doorashada oo ahaa inuu dhacdadaas bilaabatay 1915 oo dhalisay inay dhintaan ku dhawaad 1.5 Milyan Armanian ah u aqoonsanayo xasuuq.

Turkey ayaa si adag u diiday in dhacdaasi ahayd xasuuq inkastoo ay qiratay in dad badani dhinteen laakiin waxay Turkey ku adkaysanaysaa in tirada dadka dhintay laga badbadiyay, dhimashaduna ka dhalatay kacdoon.

 Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkey, Ibrahim Kalin ayaa sheegay in talaabada uu Maraykanku qaaday ay tahay mid nasiibdaro ah cadaalad darona ah.


 

Australia ayaa uga tacsiyaysay Indonesia gujis badda ku degay oo ay ku dhinteen 53 shaqaale ah.

RW Scott Morrison ayaa la xariiray madaxweynaha Indonesia  Joko Widodo kadib markii gujiska oo 3 qaybood u kala jabay laga helay badda Bali hoosteeda.

Dhamaan askartii iyo shaqaalihii saarnaa ayaa ku geeriyooday oo uu ku jiro taliyihii ciidanka gujisyada Indonesia.

Gujiskan oo 44 sano jiray ayaa dhaliyay baaqyo lagu doonayo in Indonesia cusboonaysiiso qalabka milatari ee duugoobay.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Warar SBS Somali Isniin 26 Abriil | SBS Somali