Warar SBS Somali Isniin 30 Nofember

Wararka maanta waxaa ka mid ah: Australia oo canbaaraysay sawir ay China dhigtay baraha bulshada. Victoria oo dib u bilaabaysa barnaamujka karantiilka hoteelada.

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

 Ra’iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay inay China ‘ceeb wayn’ ku tahay inay muuqaal been abuur ah oo ah oo askari Australian dhigaan baraha bulshada.

Sawirka oo ah askari Australian ah oo mindi qoorta uga haya ilmo yar ayaa waxaa soo dhigay internetka afhayeenka wasaarada arimaha dibada China, Zhao Lijian.

Tan ayaa ahayd canbaarayntii u danbaysay danbiyo dagaal oo lagu eedeeyay askarta Australianka ah ee ka soo dagaalantay Afganistan.

Mr Morrison ayaa sheegay in Australia ay raali galin ka doonayso China iyo inay sawirka ka saarto baraha bulshada.

"Waa wax aad looga xumaado, wax qiil ahna aan loo hayn. Dawlada China waa inay ka xishooto sawirka ay soo dhigtay baraha bulshada. Qiimo dhac ayay ku tahay China. Waa sawir been abuur ah oo gaf ku ah ciidanka xooga, raga iyo haweenka oo 100 sano u soo dagaalamayay dalka.”

Hay’ad gaar loogu aasaasay ayaa dusha kala soconaysa barnaamujka karantiilka Victoria ee cusub.

Barnaamujkan ayaa dib u bilaabanaya 7 bisha Desember kadib markii hore loo joojiyay bishii June kadib markii uu mar kale COVID-19 ka dilaacay gobolka.

Ku dhawaad 300 oo ka tirsan booliska Victoria iyo 200 oo ka tirsan ciidanka xooga ayaa maalin walba ka shaqayn doona hoteelada dadka lagu karantiilayo.

Dhamaan shaqaalaha ka shaqaynaya hoteelada ayaa maalin walba laga baarayaa xanuunka waxayna ku shaqayn doona qaab aysan dadka badan dibada kula kulmi Karin si loo xaqiijiyo inaysan fidin xanuunka haddii uu ku dhaco.

Premier Daniel Andrews ayaa sheegay inaan la isticmaali doonin waardiyayaasha shirkada gaarka loo leeyahay.

Victoria ayaan laga helin xanuunka coronavirus maalnitii 31 aad laakiin hal qof ayaa u dhintay xanuunka.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Warar SBS Somali Isniin 30 Nofember | SBS Somali