Dawlada Australia ayaa heli doonta 10 milyan oo talaalka shirkada Pzifer oo dheeraad ah, iyadoo dawladu ay balanqaaday in dhamaan dadka ku nool ciidda Australia la talaali doono iyo xataa dadka xeryaha qaxootiga ku jira.
Dawlada ayaa sheegtay in qorshihii uu talaalku ku bilaan lahaa dhamaadka bishan uu sidiisii yahay ayna malaayiin doolar ku bixinayso sidii ay macluumaadka talaalka COVID-19 ku gaarsiin lahayd dad ku hadla luqado badan.
Wasiirka Caafimaadka Federalka Greg Hunt ayaa sheegay in Australian badan la talaali doono, cid kastana lacag la'aan lagu siinayo.
"Waxaa ku jira, qaxootiga, magan galyo doonka, dadka haysta sharci ku meel gaar ah iyo dadka hadda ku jira xeryaha lagu hayo qaxootiga."
Goobo dheeraad ah oo dadka looga baaro coronavirus ayaa laga sameeyay Victoria si loo yareeyo safafka dhaadheer oo loogu jiro goobaha talaalka kadib markii wiil ka shaqaynayay hoteelada dadka lagu karantiilo laga helay xanuunka.
Dadkuu uu la kulmay ninkan 26 jirka oo deggan Nobel Park ayaa laga waayay xanuunka markii la baaray laakiin kayskan ayaa dhaliyay in lagu noqdo xanibaado ay ku jiraan in la xirto afduubka marka aad meel xiran gasho.
Premier Daniel Andrews ayaa sheegay in qatarta caabuqa aan waligiis la cirib tiri karin laakiin ay u muuqato in ninkan uu booqday goobo kala duwan, balse uusan wax qalad ah samayn.
Ku xigeenka RW Australia ayaa rajo wayn ka muujiyay in xadka caalamiga ah ee Australia la furi doono sida ugu dhaqsaha badan marka talaalka ka gaarsiiyo shacabka.
Maamulayaasha caafimaadka ayaa hore uga digay in xadka Australia aan loo furi dooniin dal xiisayaasha caalamiga ah sanadka 2021.
RW ku xigeenka Australia Michael McCormack ayaa sheegay in safaradii caalamiga ahaa ay dib u bilaaban doonaan oo kaliya markii si amaan ah loo safri karo.
Dhanka kalana xadka ay Queensland iyo South Australia la leeyihiin Victoria ayaa wali furan in kastoo uu jiro cabsida uu dhaliyay kayskan u danbeeyay ee laga helay Victoria.
Dawlada Western Australia waxay sheegtay in aan mar kale laga helin coronavirus gobolka gudihiisa la isku qaad siiyay ayna u badan tahay in bandowga lagu soo rogay qaybo ka tirsan gobolka la qaadi doono.
Afar maalmood oo isku xiga ayaan laga helin coronavirus gobolka iyadoo shan kun oo qof ay xanuunka iska baareen maalintii Arbacada taas oo macneheedy yahay in bandowga la qaadayo Jimcada.
Maamulayaasha ayaa wali baaraya sida ninka waardiyaha ah uu ku qaaday xanuunka nooca aadka u fida ee UK ka yimid oo qof dibada ka yimid hore looga helay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa balan qaaday inuu beesha isu keeni doono si cadaadis loo saaro milatariga Myanmar si loo hubiyo in cinqilaabkoodu uusan u guulaysa.
Hadalka xoghayaha ayaa imanaya kadib markii dacwooyin lagu soo oogay hogaamiyihii sida dimoqraadiyada ah loo doortay Aung San Suu Kyi oo lagu eedeeyay inay dalka soo galisay qalab isgaarsiin oo sharci daro ah.
Booliska ayaa sheegay inay xirnaan doonto ilaa ugu yaraan 15 bishan Febaraayo.
Mr Guterres ayaa sheegay inay tahay in la sii daayo dhamaan dadkii ay dawlada Myanmar xirtay intii cinqilaabku socda, kala danbayntii dastuurkana dib loo soo celiyo.
Kooxo ka kooban bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqaya dawlada federalka inay ku dayato madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo hakiyay hubkii laga gadi jiray Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.
Australia ayaa ogolaatay 5 jeer in hub laga gado milatariga Sacuudiga iyadoo 9 jeerna ansixisay in hub laga gado Imaaraadka intii u dhaxaysay bishii Agoosto 2019 ilaa October 2020.
Kooxdan ayaa sheegtay inay u badan tahay in hubkii laga iibiyo xulufada Sacuudigu hogaamiyo loo isticmaalo xad gudubyo ka dhan binaadanimada iyo danbiyo kale oo ay ku jiraan kuwo laga galo caruurta.