Qoyska haween ku eedaysay xeer ilaaliyaha guud Christian Porter kufsi waa hore dhacay ayaa taageray in la baaro dhimahadeeda.
Qareemo u hadlay qoyska ayaa sheegay inay rabaan ama baaritaanka ay sameeyaan dhaqtarka dadka dhintay baara sababta ay u dhinteen (coroner) ama baaritaan madax banaan oo lagu ogaado sababta keentay dhimashadeeda.
Hogaamiyaha xisbiga Laborka Anthony Albanese ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaruhu uusan haysan marmarsiinyo uu ku diido baaritaan.
Isagoo labo todobaad oo fasaxa caafimaad ah ka qaatay shaqadiisa, ayuu Mr Porter si cad u dafiray eeda ah inuu kufsaday haweenta 1988 markaas oo uu 17 sano jir ahaa iyaduna 16 sano jirtay.
Scott Morrison ayaa sheegay in boolisku eegay kayska ayna go'aansadeen inaysan sii wadin.
Xisbiga Greenka ayaa sidoo kale ku baaqay in baaritaan uu yahay dariiqa kaliya ee arintan lagu xalin karo.
Booliska New South Wales ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay ku faahfaahinayaan talaabada ay qaadeen askartii loo xil saaray inay baaraan eeda ay soo jeedisay haweenta ee ka dhanka ah Christian Porter.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in haweentu ay askarta booliska u soo dirtay Email 23 dii June sanadkii la soo dhaafay kaas oo ay ku sheegtay inaysan awoodin inay sii wado dacwada arimo caafimaad iyo kuwo shaqsiyadeed dartiis.
Haweenta ay is dishay maalmo kadib.
Mr Porter ayaa dafiray inuu falgabood kula kacay haweentan 1988 markaas oo ayas denied allegations he sexually assaulted labaduba ka qayb galeen tartamo dood ah oo ka dhacay Sydney.
Wasiiradda Gaashaandhiga Linda Reynolds ayaa cadaadis wayn lagu hayaa kadib markii ay sida la sheegay ku sheegtay gabadha u shaqayn jirtay xisbiga Liberalka "sac beenlow ah" markii gabadhu ka hadashay sidii loola dhaqmay kadib kufsi ay sheegtay inuu ka dhacay baarlamaanka gudihiisa.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in Senator Reynolds ay si ku haboon raali galin u siisay Brittany Higgins.
Penny Wong oo ka tirsan Laborka ayaa ABC u sheegtay in Senator Reynolds - oo fasax caafimaad ku maqan looga baahan yahay inay Senatka siiso faah faahin buuxda sida eeda Ms Higgins ee ah inay lagu kufsaday xafiiska wasiirada loo maareeyay.
Qoraal ka soo baxay ayay Senator Reynolds ku sheegtay inay waligeed ixtiraamaysay Ms Higgins iyo xaqa ay u leedahay inay wixii ku dhacay sheegto.
Dad ka badan 61 kun oo qof ayaa ilaa iyo hadda Australia oo dhan laga talaalay COVID-19 oo ay ku jiraan 18 kun oo ah dadka deggan goobaha lagu xanaaneeyo xarumaha dadka waayeelka iyo naafada lagu hayo.
In ka badan 20 kun oo shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale dhamaystay tababaro la xariira talaalka.
Ma jiraan kaysas laga helay dalka gudihiisa Australia oo dhan marka laga reebo 6 qof oo hoteelo ku karantiilan.
Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Victoria iman jiray ayaa wali xaniban inkastoo gobolka aan coronavirus laga diiwaan galin 6 maalmood oo isku xiga. Waxaa Victoria ku sugan 7 qof oo qaba COVID-19.