Warar SBS Somali Khamiis 07 July

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Wararka maanta waxaa ka mid ah:

Talaal dheeraad ah iyo lacago masiibo oo loo balanqaaday NSW iyadoo gobolku diiwaan galiyay tiradii ugu badnayd ee hal maalin la helo.

Golaha Amaanka ee QM ayaa canbaaraysay dilkii madaxweynihii Haiti.  

New South Wales ayaa diiwaan galisay 38 kays oo Covid-19 ah, taas oo ah tiradii maalinle ah oo ugu badnayd sanadkan.

11 ka mid ah kaysaska ayaa ah dad iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jirayt, taas oo keentay in maamaulayaashu ay ku adkeeyaan baahida loo qabo in dadku ay guryohooda joogaan.

Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in dad badani aysan raacin awaamiirta oo ay howlohoodii hore iska wataan oo ay qoysaskooda iyo saaxiibadood guryaha ku booqonaya.

Booliska NSW ayaa howgalo waaweyn ka bilaabidoona Koofur Galbeed Sydney barrito oo Jimco ah si loo hubiyo in bulshooyinku ay raacaan awaamiirta xanibaadda.

Dawlada federalka ayaa sidoo kale wax ka badashay lacagaha ay siiso dadka xanibaaduhu saameeyaan ee NSW.

Dawlada ayaa meesha ka saartay sharuud lagu xiri jiray dadka oo ahayd in qofkii haysta lacag cadaan ah oo ka badan 10 kun uusan hore xaq u lahayn inuu dalbado lacagaha masiibada balse hadda taas meesha laga saaray.

Dawlada ayaa sidoo kale sheegtay in dadka cayrta qaata aan lagu xiray sharuudaha ahaa inay shaqooyin raadsadaan.

300  oo talaal dheeraad ah ayaa sidoo kale loo dirayaa NSW, oo inta badan la gayndoono xaafadaha Koofur Galbeed ee Sydney oo COVID-19 saameeyay.


 

RW Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay faahfaahin ku saabsan gudi qaran oo loo saaray askarta Australia ee dalka dibadiisa ka soo dagaalamay ee naftooda gooya.

Taliye ku xigeenkii hore ee booliska NSW oo shaqada ka fariistay Nick Kaldas ayaa hogaamindoona gudigan.

Warbixin hordhac ah ayuu gudigan soo bandhigidoonaa bisha June 2023.

RW Scott Morrison ayaa sheegay in talooyinka uu gudigu soo jeedindoono lagu yarayndoono dhimashada askartii hore ee ciidanka xooga oo iyagu naftooda gooya.


 

Golaha Amaanka ee QM ayaa canbaareeyay dilkii Madaxweynahihii Haiti Jovenel Moise.

Madaxweyne Moise ayaa lagu toogtay weerar ka dhacay aqalka uu madaxweynuhu deganaa, iyadoo xaaskiisana lagu dhaacay, oo cisbitaal la geeyay.

Booliska Haiti ayaa sheegay inay dileen 4 ka mid ah kooxdii ka danbaysay dilka, labo kalana ay xireen kadib dilkii madaxweynaha.

Hadal laga soo saaray Golaha Amaanka ayay 15 xubnood ku booriyeen dhinacyadu inay is dejiyaan ayna ka baaqsadaan fal kasta oo keeni kara xasilooni daro.

Waxay kaloo ku baaqeen in cidii dilka ka danbaysay cadaalada la horkeeno.

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Warar SBS Somali Khamiis 07 July | SBS Somali