Warar SBS Somali Khamiis 11 Febaraayo

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Wararka maanta waxaa ka mid ah:.

  • Victoria oo laga helay 3 kays oo cusub oo coronavirus ah
  • Ururka Caadimaadka Aduunka (WHO) ayaa taagertay istcmaalka talaalka AstraZeneca.
  • Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay milatariga dalka Myanmar.
  • Nick Kyrgios waxaa uu u gudbay wareega sadexaad ee cayaaraha teniska ee Australia.
Victoria ayaa laga helay sadex kays oo cusub oo COVID-19 ah oo lala xariirinayo hoteelka laga karantiilo ee Melbourne. Tirada dadka halkaas ka qaaday xanuunka ayaa hadda gaaray 11.

Madaxa baaritaanka COVID-19 Victoria Jeroen Weimar ayaa sheegay in qofka ugu danbeeyay ee laga helay cudurka uu yahay qof shaqaale ah.

"Wuxuu ahaa qof si toos ah uga shaqaynayay hoteelka Holiday Inn. Shalay ayaa laga baaray xanuunka, maanta ayaana laga helay. Marka guud ahaan 11 qof ayuu cudurku kaga dhacay hoteelka."

Mr Weimar ayaa sidoo kale xaqiijiyay in baarayaashu aaminsan yihiin in dhamaan kaysasku yihiin nooca coronavirus ee aadka u fida ee UK ka yimid.

Ra'iisul Wasaaraha Britan Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay taagerada uu Ururka Caafimaaka Aduunku u muujiyay in talaalka AstraZeneca lagu talaali karo qof kasta oo dadiisu ka wayn tahay 18 sano.

Tan ayaa imanaysa iyadoo dalalka qaar ay su'aal galiyeen waxtarnimada talaalkan oo la filayo in lagu sameeyo Australia.

Boris Johnson ayaa sheegay in dad ka badan 30 milyan oo qof lagu talaalay Uk oo ay ku jiraan 90% dadka dadoodu ka wayn tahay 75 sano.

 "Talaaladan waa kuwo amaan ah waxtarna ah. Waxay ahayd arin fiican inaan arago WHO oo maanta xaqiijisay inay taageersan tahay in talaalka AstraZeneca lagu talaali karo qof kasta oo 18 sano ka wayn oo dabcan dadka 65 sano ka wayn," ayuu yiri Mr Johnson.


 COVID-19 ka dilaacay hotel dadka lagu karantiilo ee Victoria ayaa hadda dadka uu ku dhacay gaareen 8 iyadoo labo qof shalay laga helay xanuunka laakiin kadib aan cidna laga helin.

Wasiirada gaadiidak Victoria Jacinta Allan ayaa sheegtay in la kordhiyay awooda lagu baarayo dad badan iyadoo jawaabta inta badan la ogaanayo 24 saacadood gudohood.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dad ka badan 22 kun ay is-baareen.


 Booliska ayaa xiray wiil la saaxiib ahaa gabar reer Melbourne ah oo la la'yahay Ju 'Kelly" Zhang. Ninkan ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Melbourne isagoo sida la sheegay ku sii jeeday Sydney.

Ninakan oo 35 jir ah Joon Seong Tan ayay boolisku hayaan iyagoo su'aalo waydiinaya maanta.

Ms Zhang ayaa la aragwixii ka danbeeyay markay ka baxday gurigeeda oo ku yaal xaafada Epping ee Melbourne 1 bishan Febarayo.


 

Dimoqraadiyiinta aqalka Senatka Maraykanka ayaa soo bandhigay dacwadooda xilka qaadidii labaad ee Donald Trump.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay cadayn doonaan in Mr Trump uu qayb ku leeyahay markii uu Janaayo qudbad jeediyay wax yar ka hor inta aan la weerarin aqalka baarlamaanka.

Jamie Raskin oo hogaaminaya dacwada ka dhanka ah Mr Trump ayaa ku tilmaamay Donald Trump talayihii kacdoonka.


 

Dawlada Maraykankuna waxay ku dhawaaqday inay cunaqabatayn saarayso milatariga Myanmar iyadoo uga jawaabaysa cinqilaab dhaliyay in la xiro Aung San Suu Kyi iyo siyaasiyiin kale.

 Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in dawladiisu ka hor istaagayso jeneraalada Burma inay isticmaalaan lacag gaaraysa 1 bilyan oo doolar oo ku jira sanduuqa lacagta dawlada Burma oo lagu hayo Maraykanka.


Haween Sacuudi ah oo u dooda xaquuqda haweenka ayaa laga siidaayay xabsi ay ku jirtay ku dhawaad sadex sano.

Loujain all-Hathloul oo 31 jir ah ayaa la xiray bishii May 2018 waxaana lagu xukumay 6 sano oo xabsi kadib markii lagu soo oogay dacwado ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay been abuur.

Inkastoo xabsiga laga sii daayay oo ay xor tahay, waxay wali wajahaysaa 5 sano oo laga mamnuucay inay safarto.


 

Cayaaraha teniska ee ka furmay Melbourne: Nick Kyrgios ayaa u gudbay waeega sadexaad ee Australian Open kadib markuu ku garaacay Ugo Humbert oo Fransiiska u dhashay 5set.

Kyrgios ayaa labao jeer ka badbaaday in laga adkaado isagoo ugu danbayntii ku badiyay  5-7, 6-4, 3-6, 7-6, 6-4 

Isagoo hadlay cayaarta kadib ayuu sheegay in taageerada uu ka helayay dadka cayaarta daawanay ay caawisay.



Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand