Dhagaysi baarlamaan ayaa loo sheegay in qaybinta talaalka Australia waxoogaa dib u dhac ku yimid sababo la xariira ka keenida dalka dibadiisa.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa bishii Janaayo qabsaday yool ah in marka Abriil la gaaro 4 milyan oo qof ay talaalnaan doonaan laakiin saraakiisha caafimaadka ay gudi senatka ah u sheegay inaysan hadda macquul ahayn in taasi la gaari doono.
Ku dhawaad 125 kun oo qof ayaa ilaa iyo hadda lagu duray talaalka koowaad.
Xogahayaha Wasaarada Caafimaadka Professor Brendan Murphy ayaa sheegay in caqabado la xariira sahayda talaalka oo dalka dibadiisa ka iman lahayd ay tahay dhibka ugu daran ee masuulka ka ah dibu dhaca.
"Waxaan is lahayn waxaad helaysaan 3.8 milyan oo talaalka Astrazeneca ah laakiin arimo uu gudigan la socdo iyo arimo la xariira Yurub oo u madaxbanaan talaalka laga soo saaro qaarada ayaa keentay inaan helno 700 kun oo kaliya, kuwaas oo markii la baarayba la qaybiyay.
Dawlada Queensland ayaa ku dhawaaqday in qaar ka mid ah xanibaadaha coronavirus ee gobolka saran la qaadi doono dhamaadka todobaadkan.
Tirada dadka guryaha booqon kara ayaa 100 la gaar siinaya wixii ka danbeeyay 13 bishan halka dadka dibada ku kulmi kara la gaarsiinayo ilaa500 oo qof.
Premier Annastacia Palaszczuk ayaa baarlamaanka gobolka u sheegtay in sidoo kale aan la xadidayn tirade dadka isu tagi kara goobaha banaanka la seexdo Campsites.
Waxay sheegtay in sii qafiifinta xanibaadaha ay marqaati ka tahay in shacabka reer Queensland ay nolol caadiya ku soo noqonayaan.
"Wiishasha dabaqyada loo raaco waxaa lagu xadiday awal 4 qof hadda waxaa laga dhigay 6. Marka saraha dhaadheer ee dal xiisayaashu degan waa loo fududeeyay.
Waxaa sidoo kale ay sahlaysaa in shaqaalahii bartamaha magaalada ka shaqyn jiray ay dib ugu soo noqdaan, waan arin muhiim ah. Taas oo macneheedu yahay in kafateeryada iyo maqaayadaha awal macaamiil la ‘aa ay hadda lacag samaynayan," ayay tiri Premieradu.
Lidia Torp oo ah Senatorad ka tirsa xisbiga Greenka ee Victorian ayaa ku tilmaantay nidaamka garsoorka mid cunsuriyad qoto dheer kadib markii 3 qof oo ka soo jeeda dadla dalka loogu yimid todobaadkii la soo dhaafay ay geeriyoodeedn iyagoo xiran.
Maamulayaasha Victoria ayaa sheegay in nin Aboriginal ah uu ku dhintay xabsiga Ravenhall Correctional Centre 7 dii bishan Maarso.
Tan ayaa imanaysa iyadoo dhowr qof oo kale ay ku dhinteen NSW. Dhimashada dadkan ayaa lagu ogaaday mar dhagaysi ka socday baarlmaanka NSW.
Dad ka badan 450 oo ka soo jeeda dadka dalka loogu yimid ayaa dhintay iyagoo xabsi ku jira 30 kii sano ee u danbeeyay kadib warbixintii u danbaysay ee ka soo baxda gudi qaran oo loo saaray arintaas.
Sii hayaha Premierka Victoria James Merlino ayaa sheegay in Daniel Andrews ay u badan tahay inuu shaqada ka maqnaado in mudo ah.
Mr Andrews ayaa lagu daawaynayaa qaybta xaalada degdega ah ee cisbitaalka kadib markii dhaawac ka soo gaaray feeraha iyo dhabarka, markuu ka dhacay jaranjaro bilowgii asbuuca.
Mr Merlino ayaa sheegay inaysan cadayn waqtiga ay qaadanayso in Mr Andrews uu soo kabsado.
"Ma ogin waqtiga saxda ah, waqti ayayse qaadan doontaa dabcan. Waad ogtihiin dhaawac culus uu soo gaaray gaar ahaan feeraha iyo laf dhabarta."
QM waxay xusaysaa 10 sano guuradii ka soo wareegtay dhulgariirkii, sunaamidii iyo burbuka warshada nukliyeerka ee ka dhacay Japan.
Tsunami ayaa dhalisay warshaduii nuclearku inay si masiibo ah u dhalaasho taaso keentay in dad ka badan 4 milyan ay ka qaxaan guryohooda.
Xoghayah guud ee QM Antonio Guterres ayaa sheegay inay tahay maalin la xusayo dadkii dhintay iyo qoysaskii ay ka tageen oo wali barooranaya.