Taliyaha Booliska Federalka Australia ayaa warqad uu u qoray Ra'iisul Wasaare Scott Morrison wuxuu uga digay in eedaha faldanbiyeedka si degdeg ah aan loo sheegin AFP.
Warqada ayaa la diray shalay oo ahayn maalinta gabadha u shaqayn jirtay xisbiga Liberalka ay si rasmi ah u gaysay dacwo ah in lagu kufsaday baarlamaanka dhexdiisa 2019.
Taliye Reece Kershaw ayaa u sheegay RW in haddii lala daaho sheegista fal danbiyeedka ay keeni karto in cadaymihii lumaan iyo in danbiiluhu sii wado faldanbiyeedyada.
Wasiirka Caafimaada dawlada federalka Greg Hunt ayaa sheegay in shirkada masuulka ka ahayd in talaal xad dhaaf ah lagu duro dad waayeel ah loogu digay in l ayaa si qalad ah ugu duray talaal ka badan intii saxda ahay labo qof oo waayeel ah oo markii danbe cisbitaalka loo qaaday.
Madaxa shirkada Jason Cartwright ayaa shaqada laga fariisay inta shirkadu baaritaan hoose samaynayso.
Mr Hunt ayaa sheegay in shirkadu markii hore been ka sheegtay aqoonta shaqtarka iyo tababarada uu soo qaatay.
Queensland ayaa xadkeeda dib ugu furaysa dadka deggan magaalo waynta Melbourne dhamaadka todobaadkan.
Xanibaada ayaa laga qaadayaa Sabtida taas oo macneheedu yahay inaan laga doonayn inay ogolaansho u helaan inay xadka ka gudbaan, aana looga baahnayn in iskarantiilaan.
Queensland ayaa maanta diiwaan galisay hal kays maanta, kaasoo ah qof hoteel ku jira.
Waxaa si ku meel gaar ah la hakiyay safarada u dhexeeya Australia iyo New Zealand.
Auckland ayaa lagu tilmaamay inay tahay meel xanuunku ka dilaacay taas oo macneheedu yahay in dadka ka soo safraya NZ aysan karantiil la'aan noqon doonin.
Australia's national science agency has been granted a license to develop new medicinal cannabis products to help people with a variety of conditions including multiple sclerosis and chronic pain.
Hay'adda Sayniska iyo cilmi baarista Australia ayaa la siiyay laysan ay ku samayso maandooriyaha kanabis si looga caawiyo dadka qaba xanuunada aadka u daran oo aan bixin.
Hayadan loo soo gaabiyo CSIRO ayaa iyadoo kaashanaysa warshado dalka gudihiisa ah soo saari doonta daawooyin.
Suuqa aduunka ee xashiiska loo isticmaalo daawo ahaan ayaa la filayaa inuu qiimihiisu gaaro 55 bilyan oo doolar 2024.