Eddie McGuire ayaa iska casilay madaxnimadii naadiga kubada AFL ee Collinwood.
Is-casilaadiisa ayaa imanaysa kadib markii la shaaciyay warbixin lagu sheegay in naadiga ay ka jirtay cunsuriyad baahsan.
Mr McGuire ayaa sheegay inuu isku dayay inuu wax ka qabto laakiin usan markasta qaadin talaabadii saxda ahayd. Laga bilaabo maanta ayuu yiri waxaa iska casilay jagadii madaxnimada naadiga Collinwood.
Mr McGuire ayaa awal lagu waday inuu xilka ka dego dhamaadka sanadkan laakiin kooxo badan ayaa dalbaday inuu hadeer is casilo.
Victoria waxaa laga helay kays kale oo coronavirus ah oo lala xariirinayo barnaamujka karantiilka hoteelada.
Waa kayskii sadexaad mudo sadex maalmood gudohood oo laga helay hoteelka Holiday Inn Melbourne Airport.
Qofkan ayaa dhowr jeer oo hore laga waayay intay ku jirtay karantiilka waxayn hoteelka ka baxday 7 Febaraayo.
Waxayna mar kale I baartay markay xanuunku ka dilaacay hoteelka Holliday Inn oo ay ku jirtay waana laga helay xanuunka maanta oo bishu tahay 9.
Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka Victoria Professor Brett Sutton, ayaa sheegay in baaritaanka hor dhaca ah ay muujinayaan qofkan uu ka qaaday cudurka dabaqa ay kuwii hore ka qaadeen.
Qordhaha qaybinta talaalka Australia ayaa sidii loogu talagalay ku socda oo dhamaadka bishan febaraayo laga bilaabayo dalka iyadoo talaalka shirkada Pfizer dalka la keenayo asbuucyada soosocda.
Qorshaha ayaa ah in Australia hesho 20 milyan oo talaalka Pfizer ah ka hor dhamaadka sanadka iyadoo asbuuciiba kurjad la keenayo.
Gudiga qaran ee qaabilsan arimaha covid-19 ayaa dibu eegid ku samaynaya barnaamujka karantiilka gobolada.
Gudigan ayaa hore u hirgaliyay in dadku is talaalaan ka hor inta aysan u soo duulin Australia, waxaa sidoo kale wax laga badalay gaadiidka ay ku safraan dadka diyaaradaha ka soo dega kadib markii xanuunku ka dilaacay hoteelada NSW, VIC iyo WA.
Dawlada Victoria ayaa soo rogaysa nidaam ah in dadka laga baaro covid-19 maalinta 16 aad oo ah 48 saacadood kadib markuu qofku dhamaysto 14 maalmood ee karantiilka.
Waxaa sidoo kale xanuunka laga baarayaa shaqaalaha ka shaqeeya hoteelada karantiilka maalmaha ay fasaxa yihiin.
Tan ayaa imanaysa kadib markii qof ka shaqeeya hotel laga helay xanuunka coronavirus gaar ahaan nooca UK.
Dhanka kalana qof dalka dibadiisa ka soo noqday oo karantiilnaa ayaa la geeyay cisbitaal gaar ahaan qaybta degdega ah.
Maamulayaasha NSW ayaa sidoo kale soo rogay in qofka laga baaro coronavirus maalinta 16 aad marka ay ka baxaan 14 maalmood ee karantiilka.
Facebook ayaa ku dhawaaqday inay balaarinayso liiska wararka caafimaad ee been abuurka oo ay ka mamnuucayso Facebook oo ay ku jiraan kuwa la xariira talaalka COVID-19.
Qoraal ka soo baxay Facebook ayaa lagu sheegay in wararka iska hadalka ah ee laga sheego coronavirus ama talaalka sida tan leh Covid-19 waa caabuq la abuuray ama talaalka waa qatar wuxuuna keenaa austism laga saarayo facebook.
Golaha Adeega Bulshada Australia oo ACOSS loo gaabiyo ayaa ku baaqaysa in lacagaha la siiyo dadka shaqo doonka la kordhiyo oo lala simo lacagaha la siiyo dadka howlgabka ah si looga hortago inay saboolnimo dib ugu noqdaan.
ACOSS ayaa qoraal rasmi ah oo ay u dirtay dawlada ku doonaysa in dawladu ka fiirsato hindisahan marka ay soo bandhigayso miisaaniyada bisha May.
Haddii talada ACOSS la qaato ayaa macneheedu noqonayaa in la siiyo $944 labadii asbuucba taasoo gaarsiinaysa $67 maalintiiba halka ay hadda ka tahay $40 maalintiiba marka lacagta loogu daray coronavirus awgiis uu dhamaado.
Iyadoo ka jawaabaysa codsi China ay Australia uga dalbatay inay ixtiraanto madax baananideeda garsoorka aysana faragalin kayska suxufiyad Australia Cheng Lei ayay wasiirada arimaha dibada Australia Marise Pyne dafirtay in Australia faragalin ku samaynayso arimaha China.
Ms Payne ayaa ABC u sheegtay inay ku saxsan yihiin inay suxufiyaada u codsadaan cadaalad iyo in si binaadanimo ah loola dhaqmo.
Ms Cheng ayaa 6 bilood ku xiran China iyadoo ay socdaan baaritaanka dacwo basaasnimo.
Wasaarada arimaha dibadda China ayaa ku adkaysanaysa in xaquuqda Ms Cheng la balanqaadayo.
Qaramada midoobayna waxay ku dhaliishay 57 dal oo ay Australia ku jirto inay ku guul daraysteen inay dalalkoodii dib ugu celiyaan 10 kun oo caruur iyo haween ah oo wali ku xiran xeryaha qaxootiga Suuriya.
Waxayna ku boorinaysaa dalalkaas inay muwaadiniintooda guryohoodii dib ugu soo celiyaan haddii danbiyo lagu hayana lagu maxkamadeeyo danbiyo dagaal.
7 haween iyo caruur ah oo Australia qoys ku leh ayaa wali ku xaniban yihiin xeryo buux dhaafay oo ay ku jiraan qaxootigii ka soo qaxay Suuriya gudeheeda iyo qoysaskii dagaamayaashii kooxda IS