Warar SBS Somali Talaado 1 Desember

Somali news image

Warka Jimco - 4 Maarso 2022 Source: SBS

New Zealand ayaa cabsho u gudbisay China kadib muran u dhexeeya Australia iyo China oo ka dhashay sawir gaf ah.

Tan ayaa imanaysa kadib markii afhayeenka wasaarada arimaha dibada China Zhao Lijian uu warbaahinta bulshada galiyay sawir been abuur ah oo muujinaya askari Australian ah oo mindi qoorta uga haya wiil yar oo Afgani ah.

China ayaa diiday dalanka Ra'iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison in China raaligalin ka bixiso sawirka.

RW NZ Jacinda Ardern ayaa ku biirtay Australia oo canbaaraysay sawirka barta twitterka la galiyay.

"Cabasho ayaan y gudbinay China. Sawir been abuur ah ayuu ahaa. Sax ma ahayn. Marka mabdi'iyan halka aan ka joogno waa inaan ka dacwoono sawirka la isticmaalay, si toos ayaan ugu gudbinay cabashadaas," ayay tiri RW Ardern. 

Farxad ayay ku midoobeen dad badan oo dalkoo dhan ku kulmay maanta kadib markii dib loo furay xadadka u dhexeeya gobolada oo mudo bilo ah xirnaa.

Queensland ayaa mar kale soo dhawaysay dadka ka soo safraya gobolada Victoria, SA iyo magaalo waynta Sydney kadib markii ay QNL furtay xadka kana qaaday mamnuucidii saarnay reer Victoria.

Kumanaan ayaa xadka isugu yimid halkab diyaaraduhuna ay buuxeen iyadoo dad ka badan 6 kun oo qof ay gateen tigidho ay Brisbane ugu duulayaan.

Western Australia ayaa ku dhawaaqday inay u ogolaanyso gobolka inay soo galaan dadka reer Victoria iyo NSW laga bilaabo 8 Desember.

South Australia waxay u ahayd maalin kale oo aan laga helin kaysas coronavirus iyadoo gobolku xadkiisa u furay reer Victoria. 

 Warbaahinta ABC ayaa laga dalbaday inay sharaxaad ka bixiso sababta ay u go'aansatay inay siidayso barnaamuj lagu baarayay hab dhaqanka labo siyaasi oo federal ah.

Barnaamujka four corners oo ka baxa ABC ayaa baahiyay faahfaahino ku saabsan xiriir hoose oo u dhexeeyay wasiir Alan Tudge iyo gabar shaqaalihiisa ka mid ah iyo falal lagu tilmaamay haween nacayb oo uu ku kacay xeer ilaaliyaha guud Christian Parter.

Wasiirka isgaarsiinta dawlada federalka Paul Fletcher ayaa warqad uu u qoray madaxa warbaahintan dadweynaha Ita Buttrose uu uga dalbday in jawaab la soo siiyo labo asbuuc gudohood.

Mr Fletcher ayaa ka dalbday ABC inay cadayso in soo bandhigida macluumaadka gaarka ah ee siyaasiyiintaas inaysan xad dheef ahayn iyo sida danta guud ay u tahay.                                               


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Warar SBS Somali Talaado 1 Desember | SBS Somali