Warar SBS Somali Talaado 12 Janaayo

Somali news image

Warka Jimco - 4 Maarso 2022 Source: SBS

Premierada gobolka New South Wales  Gladys Berejiklian ayaa ku boorisay in shacabku iska baaraan COVID-19, iyadoo gobolku isku dayayo inuu xakameeyo xanuunka ka dilaacay gobolka.

Tan ayaa imanaysa iyadoo NSW laga diiwaan galiyay 5 kays oo cusub oo coronavirus oo ay ku jiraan labo kays oo hore loo sheegay oo ah nin tagay cisbitaalka Mount Druit isagoo xanuunsan iyo saaxiibtiis. 

 

Kaysaska kale ayaa kala ah labo qof oo is yaqaan oo degan xeebaha woqooyi ee Sydney halka mid kale lala xariirinayo xanuunkii ka dilaacay xaafada Berala oo dadka qaaday ay gaareen 27 qof.                                                         

Northern Territory waxay ka saartay magaalo waynta Sydney liiska goobaha xanuunku ka dilaacay, haddana liiskaas galiyay oo kaliya xaafadaha qaarkood.

Xaafadaha wali loo haysto inay yihiin meel xanuunku ka dilaacay ayaa waxaa ka mid ah Blacktown, Burwood, Canada Bay, Canterbury-Bankstown, Cumberland,  Fairfield, Inner West, Parramatta, iyo Strathfield.

Isbadalkan ayaa macnihiisu yahay in dadka ka soo safraya magaalo waynta Sydney looga baahan yahay inay iskarantiilaan 14 maalmood markay soo galaan NT.

Dhanka kalana dawlada ACT ayaa xanibaadihii safarka ka qaaday qaybo ka tirsan Sydney iyo waliba  Central Coast, Wollongong iyo the Blue Mountain. 

Madaxa caafimaadka Queensland Jeanette Young ayaa ka digtay in nooca coronavirus-ka aadka u fida uu wali qatar wayn ku yahay magaalo waynta Sydney.

Wax kaysas cusub oo coronavirus ah lagama helin xalay gobolka.

Xanibaadihii 3 maalmood la saaray magaalo waynta Brisbane ayaa la qaaday laakiin xanibaadko kale oo ay ku jiraan in afduubka la xirto mar kasta oo gudaha la galo ayaa wali jirao ilaa 22 Janaayo.

Victoria ayaan maalintii 6aad laga helin wax coronavirus kays ah.

Tan ayaa imanaysa iyadoo xadka Victoria ay la leedahay qaybaha kale ee NSW ee ka baxsan Sydney dib loo furay iyadoo uu bilowday isticmaalka nidaam cusub ee lagu ogolaanayo codsiyada dadka soo galaya.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Warar SBS Somali Talaado 12 Janaayo | SBS Somali