Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in dawladu sii shaqaynayso, aysan iscasilaada Graig Kelly ka weecinayn howlahooda.
Is-casilaada ayaa macneheedu yahay in dawlada federalka hal kursi ka dhiman yahay inay helaan 76 kursi oo ah aqlabiyada ay ugu baahn yihiin aqalka hoose si sharuucda ay mariyaan.
Xildhibaankan laga soo doorto deegaan doorashada Hughes ayaa lagu dhaliilay intii uu faafka COVID-19 socday inuu baraha bulshada ku qoray daawooyin aan sax ahayn oo lagu daaweeyo COVID-19.
Mr Morrison ayaa sheeagay inuu aqbalay is-casilaada Mr Kelly.
Craig Kelly ayaa shankiisa sheegay inuu dawlada u codaynayo marka ay barnaamujkeeda marinayso aqalka hoose ee baarlamaanka.
Wuxuu kale ee oo sheegay inuu tartamayo marka laga gaaro doorashada soo socota, uusana hadda ku talo jirin inuu ku biiro xisbi kale sida Nationalka ana One Nation.
Wuxuu intaa ku daray inuusan go'aanka uu isku casilay uusan ahayn mid si sahlan uu qaatay.
- Xildhibaan Graig Kelly oo iska casilay xisbiga Liberalka.
- Dawlada Australia oo sheegtay inay kordhinayso lacagaha la siiyo dadka shaqo doonka ah.
- Facebook oo sheegtay inay dib u furayso bogaga warbaahinta Australia oo ay xirtay maalintii Khamiista.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa difaacay $25 oo lagu kordhiyay lacagaha Jobseeker ee la siiyo dadka shaqo doonka ah isagoo sheegay inay tahay go'aan haboon iyadoo Australia ka soo kabsanayo faafka COVID-19 laguna noqonayo xaalad nololeed oo caadi ah.
1.95 milyan oo qof oo shaqo la'aan ah ayaa kororkan helaya laga bilaabo 1 Abriil markaas oo ah waqtiga uu dhamaanayo lacagaihii dheeraadka ah ee dadka loo siiyay Coronavirus-ka awgiis.
Wasiirada Arimaha Bulshada Anne Ruston ayaa sheegtay in kororkan uu yahay kii ugu badnaa ee la siiyo dadka shaqo doonka ah wixii ka danbeeyay 1986.
Wasiirada Shaqada Michaelia Cash ayaa sheegtay in kororkan ay la socdaan sharuudo ah in qofku ka soo baxo si lacagta loo siiyo.
Kororkan ayaa gaarsiinaya lacagta shaqo doonka $307 todobaadkiiba, taas oo dawlada ugu kacaysa $9 bilyan oo doolar 4 sano ee soo socda.
Hogaamiyaha mucaaradka Anthony Albanese iyo hogaamiyaha xisbiga Greenka Adam Bandt ayaa noqday siyaasiyiintii ugu danbeeyay ee lagu duro talaalka Covid-19.
Shixnadii labaad ee talaalka Pfizer ayaa ka soo degay Sydney xalay taasoo ka kooban 166 kun oo talaal halka 120 kun oo kale la filayo todobaadka soo socda.
Wasiirka Caafimaadka Greg Hunt ayaa sheegay in 80 kun oo talaal la helayo todobaadka soo socda.
Maalintii afraad ayaan wax kaysas coronavirus ah laga helin Victoria iyadoo dad ka badan 17 kun ay iska baareen xanuunka.
Gobolka ayaa waxaa hadda ku sugan 25 qof oo qaba xanuunka.
Qasnajiga dawlada Federalka ee Australia Josh Frydenberg ayaa sheegay in Facebook uu dib u furi doono bogaga warbaahinta Australia maalmaha soo socda.
Todobaadkii la soo dhaafay ayuu Facebook xiray dhamaan warbaahinta Australia isagoo ka jawaabaya sharci ay dawladu ku doonayso in shirkada teknoolojida sida Facebook ay lacag ka bixiyaan wararka warbaahinta Australia.
Mr Frydenberg ayaa sheegay in sharcigan intaan la marin baarlamaanka wax laga badali doono.