Dawlada federalka Australia ayaa hakisay dhamaan duulimaadyada ka imaan jiray dalka Hindiya ilaa ugu yaraan 15 bisha May.
Xanibaado ayaa lagu soo rogay duulimaadyada aan tooska uga soo duulin dalkaas laakiin si kale u soo mara.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibadda iyo ganacsigu ay kaalmo gaarsiindoonto Hindiya.
Wasiirada arimaha dibadda Marise Payne ayaa sheegtay in 8 diyaaradood oo wasaaradu kiraysatay oo la qorshaynay in Hindiya ka soo duulaan bisha May la joojinayo.
Premierka South Australia Premier Steven Marshall ayaa xaqiijiyay in dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee gobolka ka soo degi jiray la hakiyay ugu yaraan 3 maalmood.
Mr Marshall ayaa warqad uu u qoray RW Scott Morrison todobaadkii la soo dhaafay ku codsaday in la hakiyo xaalada walaaca leh ee ka jirta Hindiya darteed.
premier-ka ayaa sheegay in mowjada labaad ee COVID-19 Hindiya uu yahay mid dhib badan iyadoo maalin walba la diiwaan galiyo kaysas ka badan 300 oo kun.
RW Scott Morrison ayaa difaacay nidaamka karantiilka hoteelada iyadoo ay soo baxayaan baaqyo lagu doonayo in dadka dalka dibadiisa ka soo laabanaya lagu karantiilo goobo ku yaal magaalooyinka yaryar ee dalka.
Queensland ayaa hore u soo jeedisay in xarun 1000 qof qaada laga sameeyo garoonka diyaarada Wellcamp oo aan ka fogayn Toowoomba.
Premierada Queensland Annastacia Palaszczuk ayaa ku dooday in hoteeladu aysan ahayn meel ku haboon in dadka lagu karantiilo.
Penny Wong oo ah Senatorad ka tirsan Laborka ayaa ku eedaysay Mr Morrison inuu ku guul daraystay inuu sameeyo meel amaan ah oo dadka lagu karantiilo.