Wararka duhurnimo

یک کلینیک کووید-۱۹ در استرالیا

Source: SBS News

Waxaa kordhay tirada dadka Australia ugu dhintay xanuunka COVID-19 kadib markii nin 85 jir ah oo reer Queensland ah iyo haween reer Victoria ay noqdeen kuwii u danbeeyay ee geeriyooday.

Tan ayaa gaarsiinayso tirada guud ee ku dhimatay Victoria 5, halka ninku yahay qofkii sadexaad ee Queensland ku dhinta, tirada guud ee dalkoo dhana gaarsiisay 23 qof.

Wuxuu xanuunku dalkoo dhan ku dhacay in ka badan 4,800 oo qof.

 Wasiirada caafimaadka Victoria Jenny Mikakos ayaa walaac ka muujisay tirada sii kordhaysa ee dadka bulshada dhexdeeda ee isu gudbinaya xanuunka.

"Nasiib daro haween 70 meeyo jir ah ayaa u dhimatay COVID-19 taasoo tirada guud ee Victoria gaarsiisay 5. Waxaa jira 57 kays oo cusb oo la aaminsan yahay in bulshada dhexdeeda ay isu gudbisay, waana koror dheeraad ah iyadoo shalay ahayd 39," ayay tiri wasiirada Mikakos.

Taliyaha booliska NSW ayaa sheegay in bandowga gobolka saaran ay u badan tahay inuu socdo 90 maalmood.

Taliye Mick Fuller ayaa sheegay in xanibaadaha cusub ay lagama maarmaan u yihiin sidii loo xakamayn lahaa faafida coronavirus oo la sheegay in gobolku yahay kan kaysaska ugu badan dalka laga helay COVID_19.

"Waa 90 maalmood. Waxaan rajaynayaa in dadka fariintu gaartay. Markaasna aynaan ka hadlayn awooda booliska ee aan ka hadalno sidaan uga gudbi lahayn," ayuu yiri Mr Fuller.

Tirada dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus ee dalka UK ayaa aad u kordhay iyadoo uu gaaray 30 kun kadib markii kumanaan qof laga baaray cudurka.

563 oo qof ayaa ugu dhintay cudurka UK 24 saacadood ee u danbeeyay iyadoo dad ka badan 2 kun ay u dhinteen

Quburada caafimaadka ayaa su'aalay sababta aysan Britian hore u baarin dad badan.

Prince Charles ayaa kasoo kabsaday COVID-19 wuxuuna amaanay shaqaalaha caafimaadka dalka.

"Inaga oo wali la qabsanayna qibradan la yaabka leh oo wareerka ah oo aynaan booqan karin qoyska iyo saaxiibada. Aniga xaaskaygu waxaa niyada ku haynaa kuwa dadka jeclaayeen ay u dhinteen xanuunka," ayuu yiri Prince Charles.

Hay'ada Sayniska Australia ayaa bilowday inay tijaabiso talaal loo helo COVID-19.

Tijaabada ay  C-S-I-R-O bilowday ayay u isticmaalaysaa xayawaan iyadoo lagu ogaanayo in talaalku shaqaynayo iyo inuu waxtar yahay, waxayna tijaabadan socondoontaa 3 bilood.

Madaxa qaybta caafimaadka C-S-I-R-O Dr Rob Grenfell, ayaa sheegay inuu ku rajo wayn yahay in natiijo kasoo baxdo.

Tartanka ciyaaraha teniska ee Wimbledon ayaa noqday tartankii isboorti ee u danbeeyay oo loo kansalo coronavirus dartiis.

Waa markii u horaysay oo tartankan la kansalo intii ka danbaysay dagaalkii labaad ee aduunka.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand