Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa ku booriyay shacabka Australiainay guryohooda joogaan inta lagu jiro ciida Easter-ka si loo baajiyo in caabuqa coronavirus uu sii fido.
Mr Morrison ayaa sheegay in Australia horumar wayn ka samaynayso la dagaalanka COVID-19 ayna ku guulaystay inay baajiso in xanuunku ku dhaco 10 naan kun oo qof.
Laakiin wuxuu sheegay taasi isbadali karto haddii dadku is dhigtaan oo ay u hogaansami waayaan talooyinka dawlada ee kala fogaanshaha bulshada.
Premier-ka Victoria Daniel Andrews ardayda ayaa sheegay in iskuulada hoose iyo kuwa gaarkaa ay ardayda online ku baridoonaan casharada marka iskuulka dib loogu noqdo asbuuca soosocda.
Mr Andrews iskuulada loo furayo ardayda aan online ku qaadan karin casharada, dhamaan ardayda kalana guryaha joogaan si loo yareeyo faafida COVID-19.
Wuxuu intaa ku daray in dhamaan ardayda laga caawindoono siday u heli lahaayeen waxbarasho fiican waqtigan adag ee lagu jiro.
"Hal malyan oo arday ayaa dhigata iskuulada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Uma ogolaan karno malyan arday ah inay bulshada Victoria dhex socdaan. Taasi waxay faafidinaysaa caabuqa ayna wiiqaysaa horumarka muhiimkaa ee la sameeyay," ayuu yiri Mr Andrews
Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in talaabooyinka kala fogaanshaha bulshada lasii wadidoono ilaa laga helayo talaal.
New South Wales ayaa laga helay kaysaska COVID-19 ee ugu badan dalka iyo dadka u dhintay iyadoo booliska la siiyay awood ay ganaaxyo ugu jiraan qofkasta oo u hogaansami waayay sharuucda gobolka ee la xariira COVID-19.
Baadariga madhabta kaatooliga George Pell ayaa laga sii daayay xabsi kadib markii maxkamada sare ee Australia ay tuurtay xukun hore loogu riday markii lagu eedeeyay falgaboodyo labo will.
Ninka oo ah sarkaalkii ugu sareeyay madhabka Kaatooliga oo tacadiyo loo xiro ayaa maanta laga sii daayay xabsiga Barwon ee ku dhaw Geelong kadib markuu xirnaa in ka badan sanad.
ninkan oo 78 jdecember 2018 markii lagu helay inuu kufsaday will 13 jiro ah oo kaniisada ka heesi jiray saaxiibkiisna uu faro xumeeyay kadib wacdi uu maalin axad ah ka jeediyay kaniisada St Patrick's Cathedral ee Melbourne 24 sano ka hor.
Wuxuu waligiis ku doodi jiray inuusan wax danbi ah galin.
Kooxaha u dooda dadka lagu tacadiyay ayaa xukunka maxkamada ee maanta ku tilmaamay inay maalin madow u tahay cidkasta oo cadaalad doonaysa.