Wararka Maanta SBS Somali Isniin 13 July

News logo

Source: SBS

Galab wanaagsan dhamaantiin meelkasta oo aad joogtaan wararka maanta oo Isniin ah bisha July tahay 13 waxaa ka mid ah: 1000 askari iyo 5 milyan oo mask ah oo Victoria loo dirayo si ay ula dagaalanato coronavirus.

Digniin adag oo dawlada NSW ka timid kadib markii dhowr goobood oo lagu caweeyo laga helay kaysas COVId-19 ah.

Kun askari oo dheeraad ah oo ka tirsan ciidanka xooga dalka ayaa loo dirayaa gobolka Victoria si ay uga caawiyaan dagaalka ay kula jirto coronavirus.

Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa aqbalay caawinaada dheeraadka ah ee dawlada federalku u fidisay. Askaratn ayaa ku biiraya 350 hore u joogay gobolka oo qayb ka qaaadanaya hirgalinta xanibaadaha la saaray Melbourne iyo inay kordhiyaan dadaalada dad badan looga baarayo xanuunka.

Wasiirka caafimaadka dawlada federalka Greg Hunt ayaa sheegay in 1000 ka askari ay qaban doonaan howlo kala duwan oo ay ku jiraan xakamaynta caabuqa. Karantiilka, baarida xanuunka.

Warbaahinta ABC ayaa sidoo kale ku warmaysa in dawlada federalku sii daynayso 5 milyan oo afmeerka wajiga (mask) lagu xirto ah oo laga soo saarayo kaydka qaran lana siinayo Victoria.

 Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 177 kays oo cusub oo coronavirus ah maanta oo isniin ah.

Gobolka ayaa hadda waxaa ka jira 1622 kays oo dad xanuunka hadda qaba.

17 qof ayaa xaalad degdeg ah ku jira iyadoo 72 qof ay cisbitaalada ku jiraan.

Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka Victroaia Brett Sutton ayaa sheegay in tirade maanta ay niyadda u qaboojinayso maadaama 3 dii maalmood ee u danbeeyay ay 200 ka badnaayeen kaysaska cusub laakiin uu jeclaan lahaa inuu arko tiradan oo hoos u socota mudo hal asbuuc ah.

Professor Sutton ayaa aad uga walaacan xarumaha dadka waayeelka ah lagu hayo oo qaarkood shaqaalaha ka shaqeeya laga helay coronavirus.

Dawlada NSW ayaa diginin culus u jeedisay hay’adaha martisoorka sida hoteelada iyo baararka kadib markii kaysas coronavirus ah lala xariiriyay goobo martisoor ah.

Hoteel ku yaala Casula iyo Star City Casino ayaa dad booqday laga helay xanuunka.

Wasiirka booliska NSW David Elliot ayaa sheegay in xanibaado adadag lasoo celin doono haddii arintu sidaan ku socoto isagoo ka codsaday dhamaan meheradaas inay wax ka bartaan Victoria oo aysan samayn qaladkooda oo kale.

SA waxay ku biirtay NSW oo lacagta ku dalacaysa dadka dibada kasoo noqonaya 14 maalmood ee karantiilka ay jiraan hoteelka iyo cuntadooda.

Si la mid ah NSW ayay WA laga bilaabo 18 July wixii ka danbeeyay ay 3 kun oo doolar ku dalacaysaa qofka qaangaarka ah ee koowaad  iyo 1000 doolar qofka labaad ee qaangaarka ah halka caruurtana 500 oo doolar laga qaadayo 14 maalmood ee ay karantiilka ku jiraan.

Premierka SA Steven Marshal ayaa dafiray in dawladu doonayso inay lacag ka samayso talaabadan ay qaaday.

Laakiin wuxuu sheegay inay qarashka ka baxa soo ceshanayaan oo kaliya.

Qasnajiga dawlada federalkuna wuxuu qirtay in dad ka badan tirade rasniga ah ay shaqa la’aanta yihiin.

Tirada rasmiga ah ee shaqo la’aanta ayaa hadda ah 7.1% waxaana la filayaa inay kororto marka lasii daayo tirakoobkii u danbeeyay July 16.

5 milyan oo Australian ah ayaa markii labaad maanta loosoo dirayaa wareegii labaad ee lacago dawladu kaga caawinaysay dadka dhibaatooyinka coronavirus. Waxaa dadka xaqa u leh sida dadka howlgabka ah usoo dhacaysa $750.

Gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in hal maalin laga helay 15 kun oo kaysas coronavirus kaysas ah shalay oo axad ahayd.

Tiradan ayaa ka dhigay tii afraad ee ugu badnayd ee hal maalin la diiwaan galiyo kadib Brazil, India iyo Maraykanka oo tirooyin kaas ka badan laga diiwaan galiyay hal maalin.

Saadaasha hawada barito oo Talaado ah:

Perth roobab iyo dabalayo 18 degree.

Adelaide ceeryaamo subixii kadibna cadceed 15 degree.

Melbourne qayb ahaan daruur, 15 degree.

Sydney, roob, dabayl 16 degree.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Wararka Maanta SBS Somali Isniin 13 July | SBS Somali