Wararka maanta SBS Somali Isniin 2 Nofember

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Madaxa shirka boostada Australia ayaa is casishay kadib markii baaritaan lagu bilaabay deeqo ay shirkadu siisay madaxda shirkada.

Christine Holgate ayaa cadaadis badan la kulantay kadib markii ay soo baxday in saacado qaali ah oo ku kacay 20 kun oo doolar la siiyay madaxda sare ee shirkada.

Ms Holgate ayaa sheegtay in iscasilaadeedu ay markiiba bilaabanayso aysan doonayn in magdhow lacageed la siiyo.

Waxay kaloo intaa ku dartay inay la shaqaynayso labada baaritaan ee ay wadaan labo wasaaradood oo dawlada.

Dawlada federalka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed qabyo ah oo lagu aasaasayo hay'ada la dagaalanka musuqmaasuqa.

Hay'adan ayaa markii la dhiso baari doonta xadgudubyada xafiisyada dawlada iyo lagu bixinayo misaaniyad gaaraysa 107 milyna oo doolar.

 

Deb Frecklington ayaa ka degtay xilka hogaanka xisbiga Liberal National Party ee Queensland kadib markii looga adkaaday doorashadii Sabtidii ka dhacaday gobolka.

Gabadhan oo 49 jir ah ayaa markii hore sheegtay inay doonayso inay sii hayso xilka, balse kadib sheegtay inay rabto inay waqti la qaadato qoyskeeda ayna ka fiirsato waxay mustaqbalka samayn lahayd. 

 

Dawlada Victoria ayaa sheegtay in xirashada afduubku uu qayb nolosha ka mid ah ahaan doono mustaqbalka dhaw inkastoo gobolku maalin kale aan laga helin kays coronavirus ah.

Waa maalintii sadexaad ee isku xiga ahna maalintii shanaad laga soo bilaabo 27 October oo aan kays laga helin gobolka qofna u dhiman.

 

Maxkamada sare ee Victoriana waxay tuurtay dacwad laga geeyay bandowgii COVID-19 ee hore u saarnaa gobolka.

Michelle Loielo oo ah gabar maqaayad leh doonaysana inay noqoto xildhibaanad Liberal ah ayaa ku dooday in bandowgu lidi ku ahaa xaquuqul binaadanka.

 

Musharaxiinta madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Joe Biden ayaa ku ololaynaya labo istaraatiijiyadood oo aad ukala duwan oo wax looga qabanayo COVID-19 maalmo ka hor doorashada Talaadada ka dhici doonta dalka.

Mr Biden ayaa balan qaaday inuu talaabo cad qaadi doono haddii la doorto oo ay ku jirto inuu dadka ku qasabayo inay afduub xirtaan, in la kala fogaado, lana kordhiyo baaritaanada iyo dabaglka dadka xanuunku ku dhacay

Mr Trump, oo ololihiisu uusan wax wayn ka soo qaadin xaalada caabuqa ayaa balan qaaday inuusan taagerayn in xanibaado la soo rogo.

 

Madaxa ururka caafimaadka aduunka WHO  Tedros Ghebreyesus ayaa la sheegay inuu la kulmay qof qaba xanuunka COVID-19.

Dr Tedros  ayaa sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, wax calaamad ahna uusan wali isku arag.

Wuxuu isku karantiilayaa gurigiisa halkaas oo uu ka shaqaynayo.                                                


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand