Wararka Maanta SBS Somali Talaado 24 Nofember

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Queensland ayaa mar kale xadkeeda u furaysa NSW bilowga December taas oo fursad siinaysa qoysaska kala maqnaa inay midoobaan sidoo kalana furaysa dalxiiska u dhexeeya gobolada dalka.

NSW ayaan laga helin kays coronavirus 28 maalmood oo isku xiga, iyadoo sidoo kale lagu wado in Queensland ay ku dhawaaqdo barito oo Arbaco ah in reer Victoria loo ogolaado inay soo galaan gobolka.

Premierada Queensland Annastacia Palaszczuk ayaa sheegtay in inkasta oo sharuucda safarka la qafiifinayo bisha soo socota, waxay dadka xasuusinaysaa inay sii wadaan in la ilaaliyo nadaafada iyo kala fogaanta.


 

Qasnajiga dawlada Victoria ayaa soo bandhigay qorshe ay dawladiisu ku qarash garaynayso $49 bilyan oo doolar 4 ta sano ee soo socda si loogu kobciyo dhaqaalaha gobolka. Qasnajiga ayaa soo bandhigay miisaaniyadii u danbaysay maanta oo Talaado ah.

Dawlada Victoria ayaa rajaynaysa inay abuurto 200 kun oo shaqooyin ah dhamaadka 2022 isagoo intaa ku daray inay maalgalinayaan si loo hubiyo kobac dhaqaale oo xoogan.

Mid ka mid ah qorshayaasha shaqo ayaa lagu caawinayaa in dadka uu saameeyay faafka coronavirus oo ay ku jiraan haweenka iyo dhalinyarada.

Qasnaji Tim Pallas ayaa sheegay inaan la joogin waqti miisaaniyadeed oo daqligu ka bato qarashka ka baxa dawlada.


 

Premierka SA Steven Marshall ayaa sheegay in gobolkiisu ku jiro marxalad fiican oo lagu xakamayn karo mawhadii labaad ee COVID-19 oo halkaa ka dilaacay.

Dad ka badan 400 oo qof ayaa lala xariirinayaa coronavirus ka dilaacay Parafield, Adelaide, dadkaas oo wali ku jira karantiil laakiin dadka laga helay ay yihiin 27 qof.

Hal qof oo kaliya ayaa laga helay xanuunka laakiin waa qof ku jira karantiil hotel, mana ah qof lala xariirinayo kaysaska Parafield.


 

Dawlada federalka Australia ayaa rajaynaysa in shaqaalaha caafimaadka iyo dadka waayeelka ah ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya oo lagu duro talaal lacag la’aan ah ee coronavirus la isaga difaaco.

Australia ayaa heshiis kula jirta 4 talaal, yahoo wasiirka caafimaadka Greg Hunt uu sheegay inuu filayo dadka ugu horeeya la helidoono bisha Maarso.

Waxaa soo baxaya warar sheegay in talaalada qaarkood ay 90% waxtar yihiin laakiin talaalka shirkada AstraZeneca ay tahay ugu fudud ee la safrin karo maadaama lagu hayn karo qaboojiye xaraarad caadiya leh halka kuwa kale u baahan yihiin in lagu meel aad u qabow.


 

Xisbiga Laborka federalka ayaa taageeray hadal ka soo yeeray madaxa shirka diyaaradaha ee Qantas uu ku doonayo in dhamaan dadka dalka dibadiisa u safraya lagu qasbo inay is talaalaan ka hor inta aysan diyaarada raacin.

Alan Joyce ayaa sheegay inay lagama maarmaan u tahay dadka dalka ka baxaya iyo kuwa soo galaya uuna ka shaqaynayo inuu wax ka badalo sharuudaha lagu raaco diyaaradaha.

Bill Shorten oo ka tirsan mucaaradka ayaa ku raacay wax ka badalida siyaasada isagoo intaa ku daray in qofkii aan rabin inuu is talaalo uusan safrayn.


 Maamulka Trump ayaa ogolaaday in si rasmi ah loo bilaabo nidaamka xilka loogu wareejinayo madaxweyanaha la doortay Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa ku doodayay in doorashadii wax la xaday oo wax la is dabamariyay balse hadda hay’ada qaabisal arimaha xil wareejinta ayaa u sheegtay Biden inay bilaabayaan xil wareejinta.

Hadalka ka soo baxay Hay’ada Maamulka Adeegyada ayaa imanaya kadib markii saraakiisha gobolka Michigan ay si rasmi ah u ansixiyeen in Mr Biden uu ku guulaystay doorashadii gobolka.

Mr Trump iyo la taliyayaashiisa ayaa sheegay inay sii wadayaa dacwooyinka ay ku doonayaan inay kaga doodaan natiijadii doorasahda.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Wararka Maanta SBS Somali Talaado 24 Nofember | SBS Somali