Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 10 kaysas coronavirus ah oo cusub 24 saacadood ee u danbeeyay iyadoo 7 qofna cudurka ugu dhinteen gobolka.
Premierka gobolka Victorian ayaa sheegay in tirada kaysaska ee sida joogtada ah hoos u dhacay ay cadayn u tahay sida istaraatiijida dawladiisu ku xakamaynayso caabuqa ay shaqaynayso. Tirada guud ee gobolka ku dhimatay ayaa gaartay 794 qof iyadoo celceliska tirada coronavirus-ka Melbourne 14 maalmood ee u danbeeyay ay gaartay 18.2.
Mr Andrews ayaa sheegay inay tahay arin dhiiraglin leh in kaysasku hoos u dhacaan.
"Taasi waxay cadayn u tahay in istaraatiijiyadu shaqaynayso, qofkasta oo reer Victoria ahna uu ka qayb qaatay. Waana inay tani dhaliso kalsooni iyo rajo ah inaan talaaabooyin kale oo lagu qaadayo xanibaadaha qaadno marka la gaaro 19 October," ayuu yiri Mr Andrews.
New South Walesna waxaa lagu soo waramayaa inaan wax kays ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay aan laga helin maanta.
Labo kaysas cusub ayaa laga diiwaan galiyay gobolka laakiin labaduba waa dadka dibada ka soo laabtay oo hoteelo ku karantiilan.
Ku dhawaad 6,300 oo qof ayaa xanuunka iska baaray 24 saacadood ee u danbeeyay.
Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in tirada dadka isbaaraya ay kordhaan.
RW Scott Morrison ayaa sheegay in gudi dawlada kala taliya arimaha caafimaadka uu ka fiirsanayo hindise u ogolaanaya dadka dalka ku soo laabanaya inay guryohooda isku karantiilaan.
Laga soo bilaabo bishii Maarso dadka ka soo noqonaya dibadda ayaa lagu qasbay inay labo asbuuc isku karantiilaan hoteelo markay dalka soo galaan.
Dad ka badan hal malyan oo qof ayaa COVID-19 u dhintay caalamka oo dhan.
Tirakoob ka soo baxay jaamacada Johns Hopkins University ayaa muujinaya in Maraykanka ay tirada ugu badan ugu dhinteen xanuunka iyadoo dad ka badan 200 oo kun ay u dhinteen iyadoo ku soo xigaan dalalka Brazil, India, Mexico, iyo Britain.
Australia waxaa ugu geeriyooday 882 qof.
MadaxweynahaTurkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Armedia inay nabad ku soo celiso gobolka Nagorno-Karabakh iyadoo Turkey ay taageerayso Azerbaijan dagaalkii u danbeeyay ee la gashay Armenia.
Dagaalka ayaa la sheegay in tiro askar ah lagu dilay boqolaal kalana lagu dhaawacay kadib iska hor imaad galay maalintii labaad laakiin colaada gobolkan ayaa soo socotay sanado badan.