Wararka maanta SBS Somali Talaado 3 Nofember

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Ugu yaraan sadex qof ayaa dhintay dhowr kalana way ku dhaawacmeen kadib markii nin dablay ah uu xabad ku furay meel ku dhaw synagogue ah halka ay dadka Yuhuudaa wax ku caabudaan sida Muslimiintu masaajidada wax ugu caabudaan. Weerarkan ayaa ka dhacday caasimada dalka Australia ee Vienna.

Mid ka mid ah dadka looga shakisan yahay weerarka ayaa ka mid ah dadka dhintay, iyadoo maamulayaashu ay wali ku dabo jiraan kuwo kale oo baxsaday.

Dadka goobta deggan ayaa lagu booriyay inay guryohooda ku jiraan iyadoo la baarayo dadka xadka gudbaya.

Chancellorka Australia Sebastian Kurz ayaa ku tilmaamay weerarka mid karaahiyo ah.

"Dabacan xaalad amaan oo kacsan ayaan ku jirnaa, gaar ahaan caasimada Vienna. Mid ka mid ah kuwii weerarka gaystay waa la dilay, laakiin sida muuqaata dhowr kale ayaa wali maqan. Intaan ognahay waa dad hubaysan, waxay wataan hubka darandooriga u dhaca, waana dad diyaarsan, shakina kuma jiro inay tahay weerar argagixiso," ayuu yiri.

Maamulayaasha Victoria ayaa sheegay inay u badan tahay inay jiraan kaysas coronavirus oo aan la ogayn, inkastoo gobolka afar maalmood oo isku xiga aan laga helin coronavirus, cidna aysan u dhiman.

Markii u danbaysay oo 4 maalmood oo isku xiga aan la helin kaysas waxay ahayd dabayaaqadii Febaraayo.

Waxaa gobolka Victoria oo dhan jooga 38 qof oo qaba coronavirus, taasoo ah tiradii ugu yarayd laga soo bilaabo markii dawladu bilowday inay  tirakoobto kaysaska oo ahayd 29 Maarso.

 Madaxa nidaamka baaritaanka ee Victoria Jeroen Weimar ayaa sheegay in tiradani fiican tahay, waqtise ay qaadanayso inta Victoria ku noqonayso xaalad caadi ah.

"Way ka soo baxayaan kaysas kale bulshada dhexdeeda, waxaa dhici karta inay jiraan dadka qaba laakiin aan calaamad isku arag. Waa waajib na saaran inaan dhamaanteen taxadno laakiin waa inaan dhamaanteen aynaan iska dhaadhicin in xanuunkii dhamaaday oo aynaan is dhihin uma baahnin inaan isbaarno."

 Dhanka kalana ugu yaraan dhowr iyo toban qof ayaa la xiray kadib dibad baxyo dawlada Victoria looga soo horjeedo oo ka dhacay dibada baarlamaanka Melbourne.

Premierka South Australia Steven Marshall ayaa sheegay inuu qafiifinayo xanibaada saaran xadka gobolku la leeyahay Victoria labo asbuuc gudeheed.

Isbadalkan ayaa macnihiisu yahay in xadka loo furayo reer Victoria iyagoo loo ogolaanayo inay guri skrantiilaan 14 maalmood halka awal hoteelo lagu karantiili jiray.

Mr Marshall ayaa sheegay in arintani ku xiran tahay kaysaska COVID-19 Victoria oo hooseeya, isagoo sheegay inuu aad ugu niyadsan yahay inay sidaas ahaandoonto.

Safiirka Maraykanka u jooga Australia, Arthur Culvahouse ayaa ku adkaysanaya in xiriirka saaxiibnimo ee u dhexeeya labada dal uu ahaandoono mid adag cidii doontaba ha ku guulaysto doorashada madaxweyne.

Donald Trump iyo Joe Biden ayaa ololohoodii u danbeeyay ka wada gobolka la isku hayo iyagoo isu diyaarinaya muran ay dhici karto inuu ka dhasho natiijada. Ololaha ayaa ahaa mid dadka aad u kala qaybiyay.

Laakiin safiir Culvahouse ayaa sheegay inay jiraan taageero labada xisbi ku kidaysan yihiin oo ah xiriir milatari iyo kan istaratiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal natiijo kastoo ka soo baxda doorashada.

 

 

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Wararka maanta SBS Somali Talaado 3 Nofember | SBS Somali