Wararka SBS Somali Isniin 05 July

Somali news image

Warka Jimco - 4 Maarso 2022 Source: SBS

Covid-19 ka dilaacay xarun dadka waayeelka ah lagu hayo oo ku taal Syndey ayaa dadka uu ku dhacay ay gaareen 5 qof, iyadoo NSW laga diiwaan galiyay 35 kays oo cusub maanta oo Isniin ah.

Premierada New South Wales premier ayaa mar kale ka codsatay dadka gobolka deggan inay awaamiirtaa raacaan iyadoo ay soo dhawdahay waqtigii lagu waday in la qaado 14 maalmood ee xanibaada oo ku aaddan Jimcada.

35 kays ee cusub ayay 24 ka mid ah yihiin dad karantiilnaa intii ay xanuunka qabeen.

Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay inay degdeg tahay in la sii sheego in xanibaada la qaadi doono Jimcada, iyadoo intaa ku dartay in maalmaha soosocda ay aad muhiim ugu yihiin saraakiisha caafimaadka ee ka shaqaynaya inay xakameeyaan caabuqa.


 

Dadka uu saameeyay xanibaadaha COVID-19 NSW ayaa xaq u yeelanaya taageero lacageed oo dawlada federalku bixinayso.

Dadka deggan magaalo waynta Sydney, Blue Mountains, Central Coast iyo Wollongong ayaa codsan kara qarasha masiibada COVID-ka oo ah $500 oo hal mar qofka la siinayo.

Waxaan lacagtaas xaq u leh qofkasta oo shaqayn jiray 20 saacadood ama ka badan oo COVID ku waayay shaqadii, qofkii shaqayn jiray saacado ka yar 20 saacadoodna wuxuu xaq u lee yahay $325.

Lacagahan ayaa laga codsan karaa website-ka dawlada oo ah Mygov, iyadoo dawladu sheegtay in isla hal maalin lacagta lagu helayo haddii aad codsatid maalmaha shaqada ee Isniinta ilaa Jimcaha.


 

Reer Victoriana waxay ogaandoonaan Khamiista nooca xanibaadaha COVID-19 ee qaadayo iyadoo gobolka aan laga diiwaan galin wax kaysas COVID-19 ah dhowr maalmood.

Wax kaysas ah lama diiwaan galin maalintii 5 aad balse maamulayaasha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in labo kays laga helay dadka hoteelada ku karantiilan 24 saacadood ee u danbeeyay.


 

Diyaar ay leeyihiin ciidanka cirka Philippines ayaa dhacday kadib gubatay waxaana ku geeriyooday ugu yaraan 50 qof, taas oo ah shilkii diyaaradeed ee xumaa ee milatari in ka badan 30 sano.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand