Wararka maanta waxaa ka mid ah:
Duqaymo cusub oo Isreal ka gaysatay Gaza.
Qof Australian ah oo laga soo qaaday Hindiya ayaa laga helay COVID-19.
Israel ayaa weerao badan oo cirka ah ku qaaday goobo ku yaal Gaza iyadoo uga jawaabaysa gantaalo ay soo tuureen Hamas.
Duqaymahan cusub oo ruxay Magaalada Gaza ayaa socday mudo 10 daqiiqo ah, waxayna imanayaan maalmo kadib markii weerarkii ugu dhimashada badnaa ay Isreal ku fulisay Gaza wixii ka danbeeyay markii dagaalku bilowday todobaad ka hor.
Saraakiisha Falatiin ayaa sheegay in ku dhawaad 200 qof lagu dilay weerarada ilaa bilowgii, iyadoo kala bar dadka dhintay ay yihii caruur iyo haween, halka Isreal ay 10 qof ku dhinteen.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka mid ah dadka ku baaqay xabad joojin degdeg ah, isagoo ka digay dagaalka oo sii socda uu gobolka oo dhan gali karo colaad aan la joojin karin.
Qof ka soo laabtay Hindiya oo saarnaa mid ka mid ah diyaaradaha dadka Hindiya looga soo daadgureeyo kadib mamnuucidii socdaalk ayaa laga helay COVID-19.
Maamulayaasha ayaa sheegay in qofkan lagu karantiilayo xarunta Howard Springs ku taala dibadda Darwin.
Rakaabka Hindiya laga soo qaadayo ayaa laga doonayaa in cudurka laga baaro oo laga waayo ka hor inta aysan diyaarada soo raacin.
Madaxa caafimaadka Northern Territory Charles Pain ayaa sheegay in rakaabka diyaarada saarnaa baaritaano kale laga qaadayo ayna dhici karto in dad kale laga helo xanuunka.
Hindiyana 281 kun oo qof ayaa laga helay Covid 24 saacadood ee u danbeeyay iyadoo 4100 ay u dhinteen.
Ku dhawaad 25 milyan ayaa ilaa hadda laga helay COVID dalka Hindiya laga soo bilaabo markii faafku bilowday iyadoo dhimashaduna gaartay 275 kun oo qof.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa diiday inuu shaaciyo sharuudaha ku xiran in xadka Australia ee dibadda dib loo furo isagoo sheegay in xadku xirnaandoono ilaa ay amaan tahay in la furo.
Miisaaniyadii Federalka ayaa lagu xisaabiyay in Australia ka xirnaandoonto dadka aduunka ilaa laga gaaro bartmaha sanadka soo socda.
Laakiin waxaa socda cadaadisyo sii kordhaya oo ka imanay ganacsatada iyo xataa xumno ka tirsan dawlada oo doonaya in xadka furitaankiisa looga soo hormariyo waqtigii hore loogu qabtay dadka talaalan oo labada jeerba qaatay talaalka.
Mr Morrison ayaa sheegay in shacabka Australia ay fahamsan yihiin baahida loo qabo in talaabo taxadar leh la qaado marka laga hadlayo in dalka loo furo caalamka intiisa kale.
Ku dhawaad hal malyan oo qof ayaa laga talaalay COVID-19 gobolka NSW.
Tan ayaa imanaysa iyadoo dhamaan shacabka Australia oo da'dooduI ka wayn tahay 50 sano ay xaq u leeyihiin talaalka laga bilaabo maanta oo bisha May tahay 17.
Dadka da'daas ku jira ayaa la siinayaa labada jeer ee talaalka AstraZeneca oo 12 asbuuc u dhaxaynayso marka kan koowaad lagu duro.
Wasiirka Caafimaadaka NSW Brad Hazzard ayaa ku boorinaya dadka inay qaataan talaal kasta oo la siinayo.
Dawlada Victoria ayaa qoraysa 50 haween ka soo jeeda bulshooyinka dhaqamada iyo luqadaha kala duwan si ay bulshooyinkooda u baraan arimaha ku saabsan COVID-19.
Dawlada oo kaashanaysa Multicultural Centre for Women's Health iyo 9 urur oo kale ayaa shaqooyinkan u abuuraya haweenka qaxootiga iyo soogalootiga ah.
Shaqaalahan ayaa ka caawinaya dadka deggan magaalooyinka yaryar iyo kuwa waaweyn inay helaan macluumaad caafimaad oo internetka ku qoran ama mid la siiyo oo afkooda ku qoran.