Wararka maanta waxaa ka mid ah:
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa ku tilmaamay safaradda aan dadka la karantiilayn ee u dhexeeya Australia iyo New Zealand mid labada dalba ka faa'iidayaan iyadoo duulimaadyadu xirnaayeen mudo sanad ah.
Shacabka reer Australia ayaa hadda laga bilaabo u safri kara New Zealand iyagoo u baahnayn in la karantiilo markay dalkaas ka degaan.
Duulimaadkii u horeeyay oo NZ u kaca ayaa saaka oo Isniin ah 6:15 subaxnimo ka duulay Sydney.
Madaxa shirkada Qantas Alan Joyce ayaa barnaamujka Sunrise u sheegay in dadka wadanka gudihiisa u kala safraya ay soo bateen.
"Waa war fiican in NZ iyo Australia loo kala safri karo. Waa markii u horeeyay mudo 400 oo maalmood ah oo dadku iyagoo aan la karantiilayn safri karaan," ayuu yiri Mr Joyce.
Dawlada federalka ayaa kala hadlaysa Singapore iyo dalal kale suurto galinimada in xadadka la isu furo, iyadoo talaalku uu ka socda Australia iyo dalal kale.
Wasiirka difaaca Australia, Peter Dutton ayaa joojiyay qorshe uu taliyaha ciidanka xooga uga xayuubin lahaa biladihii hore loo siiyay askar ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ka soo dagaalamay dalka Afganistan.
Tan ayaa macneheedu yahay 3000 oo askari aan hadda laga qaadayn abaalmarinadii la siiyay.
Taas badalkeeda waxaa abaalmarinada laga qaadi doonaa kuwa lagu helo inay galeen danbiyo dagaal.
Saaxiibada Alexei Navalny oo ah nin mucaarad ku ah aqalka Kremlinka ee looga taliyo dalka Ruushka ayaa soo bandhigay qorshe ay rajaynayaan inuu noqdo dibad baxyadii ugu balaarnaa ee Ruushka ka dhaca taariiqda dalkaasi.
Madaxa shaqaalaha Mr Navalny, Leonid Volkov ayaa ku boorinaya dadku ku dibad baxaan magaalooyinka Moskow i St. Petersburg iyadoo xaalada caafimaad ee Mr Navalny ay ka sii darayso.
Hogaamiyahan 44-jir ah ayaa bilaabay inuu cuntada ka soomo 3 asbuuc ka hor isagoo ka cabanaya sida xun ee maamulayaasha xabsigu ula dhaqmeen.
Maamulayaasha ayaa la sheegay inay u diideen inuu arko dhaqtarkiisa gaarka ah si looga daaweeyo dhabar xanuun iyo dareen la'aan lugaha.
Maraykanka ayaa uga digay Ruushka in laga jarayo haddii Mr Navalny uu xabsiga ku dhinto.