Wararka SBS Somali Isniin 24 May

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Afar kays oo Coronavirus ah ayaa laga helay Woqooyiga Melbourne, taas oo soo afjaraysa 86 maalmood oo isku xiga oo aan wax kays ah oo bulshada dhexdeeda la isugu gudbiyay aan laga helin gobolka.

Nin deggan xaafadda Whittlesea iyo nin ay qaraabo yihiin ayaa xanuunka iska baaray shalay kadib markii mid ka mid ah uu isku arkay calaamadaha lagu garto COVID-19.

Labadaba waa laga helay iyo sidoo kale haween iyo ilmo yar oo ay isu dhawaayeen nimanka ayaa laga helay xanuunka.

 Xubno kale oo ka tirsan qoyska ayaa laga waayay cudurka iyadoo maamulayaashu ay sii wadaan inay la xariiraan dad kale oo la kulmay dadkan oo ay dhici karto inay qaadeen xanuunka.

Maamulayaasha caafimaadk ayaa shaaciyay goobo ay booqdeen dadka laga helay xanuunka oo ay dhici karto in xanuunku ku faafo, waxaana ka mid ah Bundoora swim school iyo Highpoint Shopping centre laakiin waxaa la filayaa in goobo kale lagu daro liiska.

Wasiirka caafimaadka Victoria Martin Foley ayaa sheegay inaysan jirin wax muujinaya in kayskan uu xariir la leeyahay nin hore karantiil ugu soo galay hoteel ku yaal Adelaide laakiin baaritaan ayaa socda. 

Dhanka kalana maamulayaasha caafimaadka dalkan Australia ayaa ku boorinaya shacabka inay iska talaalaan Coronavirus-ka marka ugu horeeya oo ay xaq u leeyihiin. 

Waxaa soo baxaya walaac ku aaddan in qaar ka mid ah shacabka Australia ee da'doodu ka wayn tahay 50 sano ay sugayaan talaalka PFIzer iyagoo ka cabsi qaba dhiig xinjirow lala xariiriyo talaalka AstraZeneca. 

 Dawlada ayaa ku talisay in dadka ka wayn 50 sano marka laga reebo qaar yar oo xanuuno kale qaba ay qaataan AstraZeneca. 

Sarkaalka Caafimaadka ugu sareeya dalka Paul Kelly ayaa sheegay in hay'adaha maamula daawooyinka iyo talaalada ay markale ku celiyeen in qofkii shaki qaba uu dhaqtarkiisa la hadlo.

"Ha sugin ee is talaal, waxaan nugu soo dhaw qaboobihii, meel fiican ayaan joognaa marka laga hadlayo kaysaska yar ee Australia, fadlan balan la dhigo dhaqtarkaaga, gobolka aad joogto. Fadlan ha sugin.

Professor Kelly ayaa sheegay in dad ka badan 3.6 milyan ay ilaa iyo hadda talaalka koowaad qaateen dalkoo dhan, 25 qof oo kaliyana laga helay xinjirow iyo hal qof oo dhintay oo lala xariirinayo talaalka.

RW Scott Morrison ayaa mucaarad ka wajahaya qorshe uu ku doonayo in loo ogolaado dadka talaalan inay gobolada dalka oo dhan u safri karaan haddii xataa xanibaado lagu soo rogo gobolkaas.

RW ayaa wada fikrad in baasaboor dadka talaalan la siiyo oo uu doonayo inuu hor geeyo kulanka Golaha Qaranka ee todobaadkan.

Premierada ayaysan fikradan wali ka gadmin waxaa sidoo kale ka soo horjeestay Matt Canavan oo ah xildhibaan ka tirsan isbahaysiga talada haya oo sheegay xoriyada safar ee dalka gudihiisu inay tahay xaquuq qifkasta leeyaha


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand