Wararka SBS Somali Khamiis 06 May

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Xanibaado cusub ayaa ka dhaqan galaya Sydney iyadoo gobolka NSW uu isku dayayo inuu xakameeyo COVID-19 ka dilaacay oo lala xariirinayo qof ka soo laabtay Maraykanka.

Nin 50 meeyo jir ah ayaa laga helay xanuunka, haddana xaaskiisa ayaa laga helay.

Baaritaano la sameeyay ayaa la xariirinaya caabuqa ninkan qof ka soo laabtay Maraykanka oo hore xanuunka looga helay maalintii koowaad ee lagu karantiilay hoteelka ParkRoyal Darling Harbour. 

Sarkaalada ugu saraysa caafimaadka NSW Doctor Kerry Chant ayaa sheegtay in muuqaalada laga duubay CCTV la eegayo si la isugu dayo in la ogaado sida caabuqu ay labada qof isu qaadsiiyeen.  

Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in xanibaadaha cusub ay dhaqan galayaan 5 galabnimo maanta oo Khamiis ah si looga hortago inuu caabuqu sii faafo. 

"Sadexda maalmood ee soo socda, waxay dadku ku qasban yihiin inay afduub xirtaan, dadka guryaha booqanayna waa inaysan ka badan 20 qof."

Afduubka (mask) ayay dadku ku qasban yihiin marka ay meel gudaha ay ku jiraan iyo marka ay gaadiidka dadweynaha saaran yihiin. 


Hay'adda Maamusha Daawooyinka Australia ayaa xaqiijiyay in todobaadkii la soo dhaafay la helay shan qof oo uu ku dhacay xinjirow lala xariirinayo talaalka AstraZeneca.

Laga soo bilaabo markii talaalka la bilaabay waxaa xinjirow ku dhacay 11 qof  markii la talaalay 1.4 milyan oo qof.

Nin reer Queensland ah iyo mid reer Tasmania ah ayaa ka mid ah kuwa ugu danbeeyay ee xinjirowgu ku dhacay. 

Madaxa Hay'adda Daawooyinka TGA Professor John Skerritt ayaa sheegay in tirada dadka uu ku dhacayo xinjirowgu uu la mid yahay kuwa laga soo sheegayo dalalka kale ee isticmaalaya talaalka. 

Wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadka da'doodu ka wayn tahay 50 sano ay ogaadaan in difaaca ay ka helayaan talaalka AstraZeneca uu ka badan yahay qatarta ka iman karta.


New Zealand ayaa ku dhawaaqday in safarkii aan karantiilka lahayn ee u dhexeeyay NZ iyo NSW la hakiyay maadaama xanuunku ka dilaacay gobolka.

Inta badan gobolada dalka ayaa soo saaray digniino ku aaddan dadka soo maray goobaha ay booqdeen dadka xanuunka laga helay ee NSW.


Maxkamada federalka ayaa dhagaysanaysa maalinta Isniinta soo socota dacwo laga geeyay xanibaada safar ee Hindiya.

Qareemo matalaya nin 73 jir ah oo reer Melbourne, Gary Newman oo ku xaniban Bangalore ayaa dacwada gudbiyay shalay oo Arbaco ahayd.


Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa la filayaa inuu shaqada ku soo noqdo bisha soo socota.

Sii hayaha Premierka James Merlino ayaa sheegay in Premierku ka soo kabsanayo jabitaanka ka soo gaaray kuf. 

Mr Andrew oo 48 jir ah ayaa ugu yaraan 5 feerood ka jabay iyo mid ka mid ah lafaha dhabarka markuu ku siibtay guri uu fasaxa dego.



Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand