Nin reer South Australia ah ayaa xaalad degdeg ah oo caafimaad ku jira kadib markii laga helay xinjirow lala xariirinayo talaalka AstraZeneca.
Ninkan oo 53 jir ah ayaa talaalka koowaad qaatay 4 tii bishan May, waxaan la geeyay cisbitaalka maalintii Talaadada ee bishan May ahayd 18 markuu caloosha xanuun ka dareemay.
Maamulayaasha ayaa sidoo kale baaraya kays labaad oo xinjirow laga helay haweeney 87 jir ah oo isla gobolkaas oo iyana qaadatay talaalka AstraZeneca bishii la soo dhaafay.
Sarkaalada caafimaadka ugu saraysa SA, Dr Nicola Spurrier, ayaa sheegtay in xaalada ninkan qatar tahay ayna qalbiga ku hayso isaga iyo qoyskiisa.
Quburada caafimaadka ayaa ku baaqaya in wax laga badalo wacyigalinta dadweyne ee ku aaddan talaalka COVID-19, iyagoo sheegay in istaraatiijiyada wacyigalinta ee hadda jirta ee dawladu in aysan ku filayn.
Tan ayaa imanaysa kadib markii daraasad ay sameeyeen Joornaalada Nine lagu ogaaday in 3 meelood meel dadka qaan gaarka ah ee Australia aysan qaadanayn talaalka.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in dawladu ku bixinayso 40 milyan oo doolar xayaysiinta talaalka iyadoo diirada lagu saarayo dadka ku faraxsan inay is talaalaan.
Laakiin madaxa barnaamujka caafimaadka ee Machadka Grattan Stephen Duckett ayaa sheegay in sida muuqata aysan xayaysiintaasi shaqaynayn oo aysan ka hortagayn wararka beenta ah aysana ku dhiiragalinayn dadka inay is talaalaan.
Dadka reer NSW ee da'doodu u dhaxayso 40 ilaa 49 ayaa isu diiwaangalin kara inay qaataan talaalka PFizer oo laga bixinayo 25 xarumood oo gobolka oo dhan ah.
Talaalka PFizer ayaa ilaa iyo hadda laga siinayay dadka da'daas ku jira ee NSW xarun wayn oo ku taal Sydney Olympic Park.
Laakiin Premierada gobolka Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in hadda talaalka laga heli karo 25 goobood oo gobolka oo dhan ah oo ay ku jiraan 17 goobood oo ka baxsan Sydney.
Waxay sheegtay in 6 goobood oo dheeraad ah la furidoono bisha soo socota.
Dawlada Isreal iyo mintidiinta Falastiin ayay dhici kartaa inay maalmo gudohood xabad joojin gaaraan iyadoo labada dhinacba ay wali sii wadaan weerarada ay ku dhinteen boqolaal qof.
Waxaa sii kordhaya cadaadiska caalamiga ee lagu doonayo in labada dhinac ay colaada qaboojiyaan iyadoo ilo wareedyo dalka Masar ah ay sheegayaan in labada dhinac ay mabdi'iyan isku afgarteen xabd joojin markii la dhexdhexaadiyay, laakiin faahfaahinta xabad joojinta ayaa si qarsoodi ah looga wada hadlayaa.
Sarkaal sare ee u hadlay Xamas ayaa TV Lubnaan laga leeyahay u sheegay inuu filayo in xabad joojin lagu heshiiyo labada maalmood ee soo socda.
Laakiin Ra'iisul Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in howlgalada milatari ay sii socondoonaan inkastoo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu u sheegay Netanyahu inuu doonayo in colaada la joojiyo.
Daraasad cusub ayaa muujinaysa in komentiyada laga bixiyo maqaalada lagu qoro websiteyada ay ka buuxaan waxyaalo cunsuriyad ah ayna meeshaasi tahay meel cunsiriyadu ku korto kuna baraarto.
Baaritaankan ay samaysay hay'ada cunsuriyada la dagaalanta ee All Together Now ayaa waxaa ka soo baxay in Islam nacaybka wax caadi ah laga dhigay marka dadku ay fikradoodu ka dhiibanayaan maqaalada iyadoo aragtiyo xun oo ay ka aaminsan yihiin Muslimiinta qora, iyagoo dhiiragalin ka helaya dadka kale ee la aragtida ah.
Baaritaankan ayaa lagu eegay 4500 komentiyo laga bixiyay 29 maqaal oo ay ku jireen aragtiyo aan fiicnayn oo laga qabo Muslimiinta Australia.
Waxaa kale oo lagu ogaaday daraasada in qaybta fikrada lagu dhiibto ee maqaaladu ay aqristayaasha siiso fursad ay si aan qarsoodi ahayn uga hadlaan fikrado aan caadiyan bulshada dhexdeeda laga ogolayn, iyagoo ka faa'iidaysanaya maqaalka iyo komentiyada dadka kale.