Wararka caawa waxaa ka mid ah:
***Western Australia oo ku baaqday in ama la joojiyo ama la yareeyo tirada dadka ka soo laabanaya dalka Hindiya.
***Muslimiinta Australia oo dhaliilo u soo jeediyay Facebook.
Talaalka coronavirus ee dalka Australia ayaa la dardar galinayaa iyadoo uu RW Scott Morrison uu markii labaad todobaadkan la kulmay madaxda gobolada kadib shirka Golaha Qaran.
Mr Morrison ayaa sheegay in 1.8 million Australians laga talaalay COVID-19, iyadoo kala bar dadkaas ay talaaleen dhaqaatirta xaafadu (GP).
Golaha Qaranka ayaa sidoo kale ku heshiiyay in dadka da'doodu ka yar tahay 50 sano la siindoono talaalka PFizer inta lagu jiro wajiyada 1a iyo 1b ee talaalka.
Waxaa sidoo kale heshiis lagu gaaray in la soo dedejiyo talaalida dadka da'doodu ka wayn tahay 50 sano oo la bilaabayo bisha May ee soo socota.
Inta xarumaha waaweyn ee talaalku door wayn ka qaadanayaan, Mr Morrison ayaa xaqiijiyay in dhaqaatiirta xaafaduhu ay yihiin udub dhexaadka talaalidda dadka ka wayn 70 sano.
Premierka West Australia Mark McGowan ayaa ku baaqay in la hakiyo ama la yareeyo dadka ka imanaya dalka Hindiya maadaama COVID-19 ee dalkaas aad ugu sii kordhayo.
Mr McGowan ayaa ku dhawaaqay in hoteelka Mercure ee Perth uusan aqbali doonin dad kale oo dibada ka yimaada iyadoo maamulayaashu ay baarayaan labo kays oo dad dibada ka soo laabay ah oo laga helay Covid-19, kuna signaa hoteelka.
Tan ayaa imanaysa kadib markii Hindiya laga diiwaan galiyay 300 oo kun oo kaysa 24 saacadood ee u danbeeyay taas oo ah tiradii ugu saraysay caalamka oo hal maalin la diiwaan galiyo.
Waxaa sidoo kale dalka laga diiwaan galiyay tiradii ugu badnay ee dhimasho ah.
Maamulayaasha caafimaadka ayaa isku deyay inay si degdeg u helaan 4 qof oo deganaa hoteelka Mecure ee Sydney oo ay dhici karto in COVID-19 ku dhacay.
Ilaa 40 qof ayay dhici kartaa in Covid-19 ku dhacay iyadoo qaarkood ay mar hore u safreen gobolada kale ee dalka.
Wasiirada arimaha dibada Australia Marise Payne ayaa la kula kulantay dhigeeda New Zealand Nanaia Mahuta [[nuh- Wellington.
Ms Mahuta ayaa ku celisay mawqifkeeda 5 dal Five Eye ay sirdoonka oo kaliya wadaaga.
Waxay sheetay inaysan doonayn in xulufanimada dhanka sirdoonka ah aan meelo kale loo wareejin sida marka laga hadlayo arimaha ka dhnka ah China ee la xariira tacadiyada xaquuqul binaadanka ee gobolka Xinjiang iyo Hong Kong.
Ms Payne ayaa hoosta ka xariiqday muhiimada xulufada Five Eye laakiin waxay ka gaabsatay inay sheegto in aragtida Ms Mahuta ay dhaawacayso xiriirka xulufada.
Xulada wadaagta sirdoonka ee Five Eye ayaa kala ah Australia, New Zealand, UK, USA iyo Canada.
Wasiirada arimaha dibada Australia ayaa difaacday go'aanka ay ku tuurtay heshiiska kaabayaasha ee Victoria la gashay China. Tan ayaa qayb ka ah nidaamka Belt and Road oo China ay kaabayaal kaga dhisayso qaaradaha kala duwan. Dawlada federalka Australia ayaa tuurida heshiiskan u isticmaashay awood cusub oo dawlada federalka siinaysa inay diido heshiisyada ay goboladu haddii loo arko inay ka soo horjeedaan danaha qaranka.
Safaarada China ku leedahay Australia ayaa sheegtay inay ka xun tahay go'aanka ay dawlada federalka Australia qaadatay.
Hogaamiyaha mucaarada federalka Anthony Albanese ayaa sheegay in dawlada Labor ah aysan lafteedu taagerteen heshiiska Victoria iyo China.
Koox u ololaysa xaquuqda Muslimiinta Australia ayaa dacwo ka gaysay Facebook iyadoo isticmaalaysa sharciga la dagaalanka takoorka.
The Australian Muslim Advocacy Network ayaa ku eedaynaysa Facebook inuu masuul ka tahay takoor toos ah iyo mid dadban iyo hadalo nacayb ah oo lagu beegsado dad laga tirada badan yahay.
Waxay kooxdani ku eedaynaysaa Facebook inay u ogolaatay inay sii jiraan bogag isku tilmaamay inay Islamka neceb yihiin iyadoo ay sii badanayaan hadalada nacaybka ah ee lagu beegsado dadka ka soo jeeda Bariga dhexe, Africa iyo Aaasiya.