Govind Kant oo ah ganacsade fadhigiisu yahay Sydney ayaa noqday qofkii labaad ee Australian ah oo dalka Hindiya ugu dhinta COVID-19 wixii ka danbeeyay xanibaadihii socdaal ee dalkaasi la saaray.
Trina Solar oo ah shirkada uu ninkani maamuli jiray ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in maamulihii shirkadu uu cisbitaal ku yaal Delhi ugu dhintay COVID-19 Axadii bishan May ay ahayd 16 kadib markii xanuunku ku dhacay dhamaadkii bishii hore ee Abriil.
Ninkan oo 47 jir ahaa ayaa arimo qoys ugu laabtay Hindiya dhowr bilood ka hor.
Geeridiisa ayaa imanaysa iyadoo qof kale oo deganaansho ku lahaa Australia uu bilowgii bishan COVID-19 ugu dhintay May.
Shirkada diyaarada Qantas waxay difaacday nidaamka dadka looga baaro COVID-19 kadib markii 70 qof oo Australian laga reebay diyaaradii looga soo qaadi lahaa Hindiya.
Natiijada baaritaanada ayaa su'aal la galiyay kadib markii ay soo baxday in shaybaarka sameeyay hore looga joojiyay shaqada lagana qaaday laysanka.
Qantas ayaa sheegtay in baaritaanada isla shaybaarkaas mar kale lagu celiyay natiijaduna isla tii hore noqotay.
Laakiin shirkada ayaa xaqiijisay inaysan mar danbe isticmaalidoonin shaybaarkaas.
Afhayeen u hadashay Laborka Penny Wong ayaa sheegtay inay jawaabta Qantas ayaa nagu filnayn.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison wuxuu qirtay in talaalka COVID-19 aan sidii la rabay loo gaarsiin dadka naafada ah isagoo balanqaaday in wax laga qabanayo.
In ka yar 4% dadka lagu xanaaneeyo goobaha naafada ayaa lagu duray talaalka koowaad inkastoo ay ka mid ahaayeen kooxaha mudnaata koowaad la siinayo oo loogu horumarinayo.
Mr Morrison ayaa sheegay in gaarsiinta talaalka ee xarumaha dadka waayeelka lagu hayo ay hadda gabogabo taagan tahay, sidaas daraadeed diirada la saarayo dadka naafada ah.
Laakiin hogaamiyaha mucaaradka Anthony Albanese ayaa sheegay inaysan ahayn in heerkaanba la soo gaaro.
"Dadka naafada ah waxay ahayd in loogu hormariyo oo safka hore ay ku jiraan," ayuu yiri Mr Albanese.
Dagaalka u dhexeeya Isreal iyo Xamas oo socda mudo ka badan asbuuc ayaan u muuqan mid soo afjarmaya dhawaan, inkastoo ay soo baxayaan baaqyo caalami ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo colaadan noqotay tii ugu darnay mudo sanado ah.
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in tirada dhimashada Falatiiniyiintu ay gaartay 212 qof oo ay ku jiraan 61 caruur ah iyo 36 haween ah halka dhanka Isreal ay ku dhinteen 10 qof oo ay labo caruur ah ku jiraan.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la wadaagay madax badan oo caalamka ah baaq lagu doonayo xabad joojin laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu isagu dalbado xabad joojinta.
Golaha amaanka ee QM ayaa lagu wadaa inuu qabto shir degdeg ah oo looga hadlayo colaada maanta oo bisha May tahay 18.
Queensland ayaa noqondoonta gobolkii 4 aad ee dalkan Australia oo sharciyeeya in qofka aad ka u xanuunsan laga caawin karo inuu naftiisa gooyo iyadoo baarlamaanka gobolka la horkeenayo hindise sharciyeed todobaadka soo socda.
Sharcigan ayaa dhigaya in qofka bukaanka ah ay tahay inuu yahay qof qaba xanuun meel xun gaaray oo ka sii daraya keenayana xanuun uusan qofku u adkaysan karin ugu danbayntana uu u dhimanayo qofku 12 bilood gudihiis.
Hindise sharciyeedkan ayaa baarlamaanku ka doodayaa bisha Sebtember haddii la ansixiyan wuxuu dhaqan galayaa May 2022.
Premierad Annastacia Palaszczuk ayaa laga dhadhansaday inay taageerayso hindise sharciyeedkan iyadoo sheegtay in sharcigan dadka siinayo inay dooran karaan inay si sharaf leh nafteeda u afjari karaan.
Cilmi baarayaal reer Queensland ah ayaa soo saaraya daawadii ugu horaysay oo caabuqyada sida COVID-19 ku dili kara jirka gudihiisa.
Daawadan ayaa loo samaynayaa qaab ay ku joojinayo in caabuqu uu bato iyadoo quburada ka danbaysa daawadan ay ku timaameen inay mid nolol badbaadindoonta.
Waxay sheegeen in daawadan ay diyaar noqondoonto sanadka 2023 maadaama wali la wado tijaabooyin dheeraad ah.