South Australia ayaa si rasmi ah uga qayb qaadanaysa heshiiska safarada u dhexeeya Australia iyo New Zealand. Tan ayaa imanaysa kadib markii si lama filaan ah ay 12 qof oo reer NZ ah ay uga soo galeen gobolka iyagoo soo degay Sydney.
Taliyaha Booliska SA Grant Stevens ayaa sheegay in dad lagu qasbay inay hoteel isku karantiilaan maanta oo Talaado ah la siidayndoono.
"Waxay ahayd arin nasiibdaro ah in dadkaas la karantiilay. Laakiin cidna ka raali galin mayno talaabooyinka aan qaadnay oo aan ku hubinayno amaanka bulshada South Australia. Dadkaas waqti gaaban ayaa la dhibay, inta aynu ka qiimaynaynay qatarta ay u keeni karaan reer SA. Waana ay ku faraxsan yihiin in laga siidaynayo karantiilka lagu hayay."
Dadka ka soo duulay NZ ayaa ka soo degay Melbourne, Hobart iyo Perth, waxaana lagu qasbay inay 14 maalmood hoteel isku karantiilaan marka laga reebo Melbourne.
Madaxa hay'ada sirdoonka gudaha Australia ayaa ka digay in bulshooyinka dhaqamada kala duwan ee Australia degan ay hanjbaado iyo cago juglayn kala kulmayaan dalal shisheeye ah.
Madaxa ASIO Mike Burgess ayaa sheegay in xubno ka tirsan bulshada loo hanjabay.
"Faraglinta shesheeye waxaa ka mid ah in la ilaashado, loo cagajugleeyo loona hanjabayo bulshooyinka dhaqamada kala duwan. Kaysas badan ayaan aragnay oo ay ku lug leeyihiin dalal badan oo xubno ka tirsan bulshooyinka loo hanjabay markay dhiibteen aragti ka duwan siyaasada dawladaha shisheeye."
Hadalkan ayaa laga jeediyay dhagaysi lagu qabtay aqalka Senatka ee Canberra.
Wuxuu sidoo kale goobta ka sheegay in siyaasiyiin federal ah lagu beegsaday basaasnimo iyo faragalin shisheeye.
Dawlada Victoria ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso in dadka dalka ku soo noqonaya lagu xiro qalab electronic ah oo lagu ilaaliyo inaysan guriga ka bixin marka guriga lagu karantiilo.
QalabMeanwhile, the Victorian government is considering the use of electronic devices to monitor returned travellers, when a decision is made to allow international travellers into the state.
Qalabkan ayaa qofka looga xirayaa gacanta iyadoo GPS ay saraakiisha caafimaadku kala soconayaan hadba meesha uu qofku joogo si loo xaqiijiyo inuu qofku guriga isku karantiilo.
Premier Daniel Andrews ayaa sheegay arintan la eegayo laakiin wali wajigii koowaad lagu jiro.
"Qalabkan sida jijimaha loo xirto ama wixii la doonaba ha loo bxiyo, waa qalab qofka lagu ilaalinayo, waxaana la ii sheegay in dalal badan ay isticmaalaan. Markaas ayaan iri, maynu fiirino. Haddii dadku gurigooda joogaan oo aan ku kalsoonahay inaysan caabuqa faafinayn sidoo kalana aan caafimaadkooda la socon karno waa arin macquul ah."
Qalab noocan oo kale ah ayaa laga isticmaalaa dalalka China, Singapore iyo Koofurta Kuuriya.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo gobolka laga diiwaan galiyay hal kays oo coronavirus ah, cidna aysan xanuunka u geeriyoon 24 saacadood ee u danbeeyay.
NSW waxaa laga diiwaan galiyay labo kays oo labaduba ah kuwo gobolka dhexdiisa lagu kala qaaday.
Waxaana gobolka sidoo kale jira 3 qof oo dalka ku soo laabtay oo laga helay caabuqa.
Wararka dibadda:
Doodii u danbaysay ee dhexmarta musharaxiinta madaxweyne ee dalka Maraykanka Donald Trump iyo Joe Biden ayaa lagu daray nidaam cusub oo qofka hadlaya maahane kan kale codka looga xirayo.
Gudiga qaabilsan dooda ayaa sheegay in cod xiriddan ay u ogolaanayso musharixiinta inay hadalkooda dhamaystaan iyagoo aan laga dhexgalin, iyo in laga fogaado wixii dhacay doodii hore iyadoo musharxiintu hadalka iska dhex galayeen.