Wararka SBS Somali Talaado 4 May

Somali news image

Warka Arbaco -20 April 2022 Source: SBS Somali

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa difaacay xayiraada socdaal ee muranka badan ka dhashay ee la saaray dalka Hindiya, isagoo RW sheegay inuu ahaa go'aan sababo caafimaad loo gaaray.

Dawlada ayaa sharci daro ka dhigtay in dadka ku xaniban Hindiya ay dalkan Australia ku soo laabtaan inta ka horaysa 15 bishan May. 

Mr Morrison ayaa sheegay in mamnuucidu ay lagama maarmaan u tahay maamulayaasha caafimaadka si ay ugu diyaar garoobaan duulimaadyo dadka lagu soo daad gureeyo mustaqbalka.


Iyaadoo aan la raacin digniinaha COVID-19 ee dalka Hindiya ayaa qayb ka ah dhibaatada balaaran ee COVID ku hayo dalkaasi sida laga soo xigtay saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka ee W-H-O  u jooga dalkaasi. 

In ka badan 350,000 oo kays ayaa laga diiwaan galiyay dalkan, taas oo tirada guud ee kaysaska gaarsiinaysa 20 milyan.

Waxaa sidoo kale hal maalin u geeriyooday ku dhawaad 3,400 oo qof taas oo tirada guud ee dhimashada gaarsiisay 220,000 oo qof.

Wakiilka W-H-O u jooga Hindiya Dr Roderico Ofrin ayaa sheegay in maadaama dadku si cariiri ah u degganyihiin ay keentay inuu heerkii ugu darnaa u dilaaco xanuunku, kaas oo ka daran siduu uga dilaacay Yurub iyo Maraykanka.' 

Dr Ofrin ayaa sheegay inay cadaatay in Coronavirus uu is badbadalo ayna adag tahay in la sii saadaaliyo.


Premierka Western Australia Mark McGowan ayaa sheegay in hoteelada dadka lagu karantiilo oo aan wax kaysas ah laga helin ay tahay war aad u fiican.

Gobolka ayaan laga helin wax kaysas Covid ah ama mid hoteelada ha ahaado ama bulshada dhexdeeda, iyadoo ay 7 kun oo qof iska baareen xanuunka.

Mr McGowan ayaa sheegay in dawlada gobolku ay ku caawin doonto Jaaliyada Hindiya dhaqaale lagu taageerayo kuwa Hindiya ku sugan. 

Maamulayaasha gobolka ayaa wali ka walaacsan goobo ay booqdeen nin waardiye ka ahaa hoteel oo xanuunka laga helay iyo labo qof oo uu la deganaa.


Askari ka tirsan booliska NSW ayaa lagu soo oogay dacwo ah inuu u gacan qaaday wiil yar oo ka soo jeeda bulshada dalka loogu yimid sanadkii hore.

Muuqaal laga duubay dhacdadan oo internetka la galiyay bishii June ayay aad loo daawaday.

Ninkan askari ah ayaa loo diray maanta loo diray qoraal looga doonayo inuu maxkamada yimaado isagoo lagu eedaynayo danbiyo ah inuu gacanta u qaaday wiilka taasoo dhaawac u gaysatay jirkiisa.

Wiilkan oo 16 jir ah ayaa dhacdada kadib lagaga daaweeyay dhaawacyo fudud cisbitaalka St Vincent ee Sydney.


Ku dhawaad 7000  00 shacabka reer Victoria ah ayaa la talaalay wixii ka danbeeyay markii la balaariyay xarumaha talaalka ee gobolka.

Tirada dadka la talaalay ayaa 105% kordhay marka loo barbardhigo waqtigan oo kale todobaadkii la soo dhaafay kadib markii xarumahaas loo furay qofkasta oo ka wayn 50 sano.

Sidoo kale 13 kun oo reer Victoria ah internetka waqti ka qabsaday si loo talaalo.

Goobaha talaalka ayaa la balaariyay shalay oo bisha May ahayd 3 oo la bilaabay talaalka dadka ku jira wajiga 2a oo ay ka mid yihiin dadka qaangaarka ah ee Aboriginalka iyo Torres Strait islnaders oo dad'doodu ka wayn tahay 18 sano.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand