Iskuul Sydney ku yaal ayaa la xiray si loo nadiifiyo kadib markii arday laga helay coronavirus..
Warragamba Public School ayaa albaabada loo laabay si gabi ahaanba loo nadiifiyo, iyadoo ardaydii iyo macalimiintii uu la kulmay ardayga xanuunka laga helay lagula taliyay inay is karantiilaan.
Madaxa arimaha caafimaadka NSW New Dr Kerry Chant ayaa sheegtay in wiilka oo 7 jir ah lagu arkay calaamadaha coronavirus oo sahlan.
“Iskuulka maanta waa la xiray waxaana la bilaabay in la raad raaco dadkii uu wiilku la kulmay sida caadiga ah si loo ogaado halka uu kasoo bilowday xanuunku,” ayay tiri Dr Chant
Woqooyiga Melbournena, Meadowglen Primary School ayaa la xiray si loo nadiifiyo asbuucan kadib markii macalin laga helay COVID-19.
Premierka Victoria ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu mardanbe ka noqday wasiirka waxbarashada federalka kaasoo uu ku dhaliilay hogaaminta premierka.
Premierka Victoria ayaa sheegay inuu diirada saarayo oo kaliya sidii dadka looga baari lahaa xanuunka COVID-19.
Wasiirka waxbarashada dawlada federalka Dan Tehan ayaa shalay oo Axad ahayd su’aal ka keenay sida Daniel Andrew uu u maaraynayo iskuulada gobolka, laakiin mar danbe sheegay in hadalkiisa ay caro ka keentay uuna u gafay premierka.
Mr Andrews ayaa sheegay in hadalka Mr Tehan laga gudbay haddana uu diirada saarayo sida gobolku ula tacaalayo coronavirus.
”Inaan inagu is dagaalno looma baahna. Muhiimada waa inaan dhamaanteen la dagaalno caabuqa. Siyaasado ayaa noo deggan, waa kuwo cadcad. Sharuucdii aan soo rognay ayay raaceen shacabku, waxkastoo aan codsanayna way sameeyeen,” ayuu Mr Andrews.
Gobolka Victoria ayaa diiwaan galiyay 22 kays oo cusub maanta oo Isniin ah iyadoo intooda badan lala xariirinayo warshad hibilka lagu qalo oo ku taal Melbourne.
Australia, ku dhawaad 7 kun oo COVID-19 kaysas ah ayay diiwaan galisay iyadoo tirade guud ee dhimashadu gaartay 95 qof.
Dawlada Queensland ayaa la filaysa inay iskuuladu dib u howl galaan dhamaadka bishan iyadoo qayb ka ah qorshe lagu doonayo in tartiib tartiib ardaydu fasalada ugu noqdaan.
Laga bilaabo 11 bisha May ardayda fasalaka koowaad ilaa kan 12 aad ayaa iskuulada ku noqonaya iyadoo si joogto loo qiimayndoono tirade coronavirus.
Premier Queensland Anastasia Palaszczuk ayaa sheegtay in 25 May la rajaynayo in iskuulada intooda badan la furo haddii COVID-19 la xakameeyo.
Daraasad ay sameeyeen kooxaha u dooda qaxootiga ayaa lagu ogaaday in soo galootiga dhawaan dalka yimid ay badanaa ka walaac badan yihiin bulshada inteeda kale marka laga hadlayo coronavirus.
Daraasadan ay samaysay AMES Australia ayaa lagu waraystay 130 qof oo ka soo kala jeeda 27 dal. Waxayna daraasadu muujinaysaa in intooda badan ay la socdaan macluumaadka ku saabsan xanuunka caalamka ku fiday.
Natiijada daraasadan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in 89% dadka su’aalaha la waydiiyay aysan kalsooni ku qabin inay iska difaaci karaan COVID-19.
Madaxa AMES Cath Scarth ayaa SBS u sheegtay in qaar badan dadka dhawaan Australia yimid ay walwalaan markasta oo ay arkaan dad dukaamada saf ugu jira.
“Gaar ahaan qaxootiga kasoo cararay daruufo adag ama ha ahaato dagaalo ama cadaadis kale,” ayay tiri Cathy Scarth.