Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Warbaahinta bulshada iyo saamaynta dawlada Soomaaliya

How can social media impact Somali politics.

Social Media impact
Source: Pixabay/WDnetStudio CC0

Warbaahinta bulshada oo ay aad u isticmaalaan Soomaalida degan dalka dibadiisa iyo gudihiisa ayaa noqotay goob qofwalbaa aragtidiisa ku dhibbto ama ka xariiro saaxiibo iyo qaraabo.

Sida magaca ka muuqata warbaahinta bulshada waxaa loogu bixiyay in bulshadu kuwada xariirto. Hadba maxay tahay faaiidada iyo qasaarada warbaahinta bulshada.

Waa goob ay dadku ku wadahadlaan iskuna maqlaan. waxay yaraysay ku tiirsanaantii warbaahinta kale oo qofku wuxuu helayaa warakii u danbeeyay. Waxaad kala soconaysaa dadka aad doonayso inaad ogaato waxay qorayaan ama waxay aqriyaan.

Soomaalidu waa dad aad u xiiseeya siyaasada gaar ahaan tan ka socota Soomaaliya oo qofkasta dhagahaa ayaa u taagan oo wuxuu doonayaa inuu ogaado arimhii u danbeeyay ee ka dhacay dalka.

Warbaahinta bulshadu waxay noqotay goobta lagu kala qaato wararka runtaa iyo kuwa beentaa. Waxaadna moodaa inaadan kala saari karin cida runta sheegaysa iyo kuwa beenta sababtoo ah qoraa kastaa warka uu qorayo wuxuu ku fiiriyaa ookiyaalaha qabiila ama arati shaqsiyeed oo uu qabo.

Waxaa Soomaalidu hadda leedahay maraku ugu yaraadaan boqolaal website oo inta badan isku wax qora laakiin mid walba midabkuu isagu rabo u yeelo sheekada ama warka uu qorayo sababtoo ah wuxuu yaqaan halka laga xogo aqristayaasha websiteka oo intooda badan ku salaysan gobol ama aratiyo qabiil.

Lagasoo bilaabo doorashadii Madaxweyne Farmaajo waxaa warbaahinta qabsaday codad aad u dheer oo ka doodaya doorashada oo iyagu dhinac qabiil ama shaqsi ka eegaya doorashada.

Halkan warbaahinta caalamka ay xakamaysa sharuuc iyo anshaxyo ay raacaan marka ay ka hadlayaan macduuc siyaasadeed ama mid kale, qof iskiis usoo istaagay Facebook oo aan lahayn wax celiya wuxuu doonana ku hadla ma jiraan cid ay ka baqayaan.

Haddaba warbaahintaas aan cidna masuul ka sarnayn ma dhici kartaa inay qayb ka ahaayeen haddana kasii noqdaan?

Jawaabtu waxay ku xiran tahay labao arimood.

Tan koowaad: Shaqsiyaadku xaq ayay u leeyihiin inay fikradooda lasoo istaagaan oo waxay doonaan sheegaan. Wax ku kaliya Soomaalidana ma ah laakiin halka hadaan Soomaali nahay aan uga duwan nahay aduunka intiisa kale ayaa ah inaysan jirin ama ay yar yihiin warbaahin kale oo lagu kasoonaan karo oo haysata sharuucdii iyo awoodii maalkii ay  warar xalaal ah uga haqab tiri lahaayeen shacabka halkaas ayaan waddo uga furan tahay in qofkastaa uu noqdo kan isaga ama iyada la dhagaysto.

Tan labaad: Marka qofku wuxuu doono sheego gaar ahaan siyaasad iyo arimo dawladeed, dadka dhagaysanayaa waa inay yiraahdaan oo warkaan xagee laga keenay dawladuse ma ka hadashay? Madaxda Soomaalida waxaa dhici karta in bilo aysan shir jaraaid qaban, waraysi bixin, wax kastoo suuqa ku jirana aysan ka hadal. Maxaa diidaya marka in dadku aaminaan wax websityadu u sheegayaan haddi halkii xukunku yaalay aan waxba laga maqlayn.

Sida kaliya ee looga baaqsan karo in warbaahinta bulshada laga hago aragtiyada shacabka dalka gudihiisa iyo dibadiisa waa inay madaxda dalku la hadlaan warbaahinta magaca leh oo ku dhaqanta sharuucda iyo anshaxa warbaahinta lana yaqaan meel loo raacdo haddi ay xad gudbaan ama war aan jirin sheegaan.

S


3 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now