Warka Arbacada 03 June 2021

Labo ka mid saddexdii keys ee ugu dambeeyey ee maanta gelinkii hore la shaaciyey in laga helay Melbourne ayaa dib laga ogaadey inay ahaayeen 'false positive'. Dowladda federaaliga ahina waxay oggolaatay in lacag ku meel-gaadh ah siiso shaqaalihii reer Melbourne ee shaqadoodii ku waayey xannibaadda COVID-19.

Payment waiting perion increased for new immigrants

Muddada sugitaanka lacagta dowladda oo lagu dheereeyey dadka cusub ee soo deggaya Australia. Source: AAP

Labo keys oo ka mid ah Saddexdii maanta gelinkii hore la shaaciyey inay Melbourne kasoo baxeen 24kii saacadood ee ugu dambeeyey, ayaa dib laga ogaaday inay ahaayeen waxa la yidhaahdo ‘false possitive’ oo macneheedu yahay in qofka la baadhay ay laga helay astaamaha lagu garto qofka Virusta qaba, in kasta oo aanu qofkasi cudurka qabin.

 Dowladda federaaliga ah ayaa oggolaatay inay kaalmo lacageed oo ku-meel-gaadh ah siiso shaqaalaha Victoria ee shaqadoodii ku waayey xannibaadda COVID-19 haddii ay buuxiyaa shuruudaha ku xidhan. Taageeraddaa lacageed waxaa helaya dadka ka shaqeeya goobaha ay dowladda federaaliga u aqoonsatay ‘hot spots’ oo ah meelo coronavirus-tu ka dillaacday, isla markaana ay sababtay xannibaad ka dheer toddoba maalmood.

 Dadka da’dooduu ka sarrayso 17 sano, isla markaana shaqayn jiray in ka badan 20 saacaddood toddobaadkiiba, waxay dalban karaan $500 00 (Shan boqol oo dollar), halka dadka intaa ka yar shaqayn jirayna heli karaan $325.00 (saddex boqol iyo labaatan iyo shan dollar).

Dadku waxay lacagtaa Xaaladda degdegga ah ee ku-meel-gaadhka aha ka dalban karaan Centrlink laga bilaabo Isniinta 7da Juun.

Dowladda federaaliga ayaa, sidoo kale, oggolaatay inay bixiso lacagta lagu dhisi doona goob u gaar karantiilka dadka Australia debedda kasoo gelaya. Victoria ayaa qorshaynaysey in goobtaa laga dhiso darifka xaafadda Mickleham, halka dowladda dhexena rabto in laga dhiso Avalon.

Kharasha guud ee ku baxaya dhismaha goobtaa ayaa la filayaa inuu noqdo in ka badan $200 oo malyan oo Victoria rabto in dowladda dhexe wada bixiso.

Mas’uuliyiinta Victoria ayaa sheegay inay suurto gal tahay in xannibaadda la qaado ka hor taariikhdii horey loogu qabtay haddii ay inta ka horraysa xaaladdu hagaagto.

24kii saacadood ee ugu dambeeyeyna waxaa la tallaalay 23,921 oo qof.

Dhinaca New Sout Wales-na, saraakiisha caafimaadkaa ayaa sheegay inay la xidhiidheen in ka badan 500 oo qof oo ay uga shaki qabaan inay tageen goobo loo ‘hot spots’ loo yaqaan oo ah kuw halistooda coronavirus-tu sarrayso. Taas ayaa ka dhalatay kadib markii qoys reer Melbourne ah oo la sheegay inay COVID-19 qabeen, ay booqdeen qaybaha koonfureed ee New South Wales.


Share

Published

Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand